Waxaa jiray waqti ay dad badan rumeysnaayeen in dollarka Mareykanka uu yahay tiirka ugu adag ee dhaqaalaha caalamka, lagamana hor imaan karo. Laakiin markasta oo la xasuusto in dhaqaalaha adduunka uu yahay isbeddel joogto ah, waxaa muuqanaya in aanay jirin xeer joogto ah oo lagu kalsoonaado. Waxaa la joogaa xilli cusub oo suuqyo lacageed ay halis iyo fursad isku mar yihiin. Mid ka mid ah arrimaha ugu murugsan ee hadda laga hadlayo waa kororka dollarka Mareykanka marka loo eego yen-ka Jabaan. Tani waa saameyn waxa ay ku leedahay ganacsiga, siyaasadda lacagta, iyo xitaa maskaxda maalgashadayaasha caalamka.
Maalmo is xigxiga, dollarka wuxuu gaarayey heerar sare marka
loo eego yen-ka, taas oo keentay hadal hayn aad u weeyan. Dadka falanqeeya
dhaqaalaha waxay is weydiinayaan su’aal adag. Ma sii jiri doonaa kororka
dollarka ee la xiriira jabitaanka yen-ka, mise waa uun mowjad kooban oo ku
saleysan dareen iyo cabsi? Su’aashani ma aha mid sahlan, waayo
waxaa arrinta ku milan siyaasado lacageed, cadaadisyo suuqeed, iyo danaha
bangiyada dhexe ee labada dal.
Bankiga dhexe ee Japan weli wuxuu haystaa siyaasaddii
dulsaarka hoose ee muddada dheer socotay, halka Mareykanka uu dhowr jeer
kordhiyey dulsaarkiisa si uu ula dagaallamo sicir-bararka. Natiijadu waxay
noqotay in maalgeliyeyaashu ay bilaabaan inay doorbidaan kaydka iyo lacagta
Mareykanka, taasoo dollarka sare u qaaday. Laakiin kororkani ma ahan mid la
hubo inuu sii socon doono, maadaama ay jiraan calaamado muujinaya in dhaqaalaha
Mareykanka uu bilaabay inu muujiyo hoos u dhac, halka Japan ay bilaabayso inay dib u
eegto istiraatijiyadeedii hore.
Dhinaca kale waxaynu ognahay in suuqa lacagaha uu yahay mid
dareen ku shaqeeya. Cabsida laga qabo in Bangiga Dhexe ee Japan uu faragelin
sameeyo si uu u xasiliyo yen-ka ayaa la wareegtay warbaahinta suuqyada. Taas
micnaheedu waa in dhaqaalah aysan ku salaysnayn kaliya tirooyinka, balse sidoo
kale ku salaysan tahay dareenka laga qabo mustaqbalka. Tusaale ahaan, hadal yar
oo ka soo baxay guddoomiyaha bangiga dhexe ee Japan ayaa filanwaa bedeli kara
jihada is-dhaafsiga dollarka iyo yen-ka, taasoo keeni karta in suuqa uu si lama
filaan ah u jahawareero.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Japan ay tahay dal dhoofin
badan leh, halka Mareykanku uu ku tiirsan yahay wax soo saar gudaha ah oo qaali
ah. Marka dollarka kor u kaco wax soo saarka Mareykanka wuxuu noqdaa mid qaali
ku ah suuqyada dibedda, taasoo dhaawaceysa tartankiisa. Halka Japan oo leh
lacag daciif ah, ay awood u leedahay inay kobciso wax so saarka dhoofinta.
Laakiin haddii yen-ku uu aad u daciifo, qiimaha alaabta cunto, shidaal, iyo
badeecooyinka kale ee la keeno gudaha wa ay sare u kici karaan, taasoo dhaawici
karta awoodda iibsiga ee shacabka Japan. Sidaas darteed labaduba waxay
wajahayaan cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxayna u baahan yihiin in ay
si taxaddar leh u maareeyaan saameynta sicirka sarrifka.
Waxaa xusid mudan in dhaqaalaha Japan uu si weyn ugu tiirsan
yahay kalsoonida gudaha iyo in la ilaaliyo xasilloonida qiimaha. Tani waxay
keentay in dowladda Japan ay aad uga fiirsato tallaabo kasta oo ay qaadeyso,
gaar ahaan haddii ay tahay in ay faragelin ku sameyso suuqa sarrifka lacagaha.
Maalgeliyeyaasha caalamka waxay si dhow ula socdaan warar ka soo baxa Tokyo,
iyagoo sugaya tallaabo kasta oo muujin karta in dowladda Japan aysan u
dulqaadan doonin yen keed inu aad u daciif ah.
Sida ay yihiin xaaladaha hadda, dad ka badana waxa ay dareemayaan
in kororka dollarka uu yahay mid waqti yeesan, oo aan ku dhisneen saldhig
adag oo siyaasadeed ama dhaqaale. Marka laga eego dhinaca kale bangiyada dhexe
waxay isku dayayaan inay dejiyaan xasillooni, balse mararka qaar waxaa ka hor
yimaada cadaadiska suuqa, oo si isdaba joog ah u dhaliya isbeddelo lama filaan
ah. Waxaa la filan karaa in yen-ku uu heli doono taageero siyaasadeed iyo mid
suuqeed haddii uu hoos u sii dhaco heerka 160 ee loo dhigo dollarka taasoo
horey ugu dhacday taariikhda dhow, markaas oo dowladda Japan ay si toos ah u
faragelisay si ay u xakameyso hoos u dhaca.
Intaa kaddib waxaa muhiim ah in la xasuusto in xiriirka
dhaqaale ee u dhexeeya Japan iyo Mareykanka uusan ku dhisneen lacagta kaliya.
Waxaa jira xiriiryo xooggan oo dhanka ganacsiga, militariga, iyo horumarinta
tiknoolajiyadda ah. Saameynta dollarka ee hadda jirta waxay noqon kartaa mid
ku socota muddo kooban, balse xitaa haddii uu dollarku sii adkaado, lama
dhihi karo in yen-ka si aan micno lahayn u daciifayo. Waxaa jira kooxo badan oo
suuqyada ku jira kuwaasoo sugaya in ay dib u iibsadaan yen marka uu gaaro
heerarka hoose, taasoo keeni karta in isbeddel dhanka kor ah uu bilowdo.
Marka la fiiriyo dhammaan arrimahan waxaa muuqata in
kororka dollarka ee hadda socda uusan ahayn mid si adag ugu tiirsan aasaasyo
dhaqaale, balse uu yahay mid ay abuureen kala duwanaanshaha siyaasadaha lacagta
ee labada dal. Marka ay siyaasadahaasi is bedelaan sida uu hadda muuqdo waxaa la filan karaa in dollarku hoos u dhaco, halka yen-ku uu helo fursad uu
ku soo kabto.
xigasho:.Tradingview
Haddii la is barbar dhigo xaaladda hadda iyo tii sanadkii hore, waxaa jira isbeddel weyn. Waqtiyadii hore, yen-ka ayaa ahaa meel ay maalgashadayaasha caalamku u arkaan meel amaan ah. Laakiin tan iyo markii ay bilaabatay siyaasadda dulsaarka eberka ku dhow, kalsoonidaas wa ay yaraatay. Dhinaca Mareykanka, waxaa jiray dulsaaryo sare oo dhiirrigelinayey maalgelinta, laakiin hadda oo sicir bararka hoos u sii dhacayo, Fed-ka wuxuu bilaabay inuu ka fiirsado joogsiga kororka dulsaarka, taasoo keeni karta in la yareeyo xiisaha dollarka. Intaasi waxay muujinaysaa in isbeddel iman karo waqti dhow, waxaana suurtagal ah in xaaladda sarrifka ay si lama filaan ah isu bedesho marka midkood ama labaduba ay bedelaan istiraatiijiyadooda.
Inkasta oo ay jiraan dad aaminsan in kororka dollarka uu
yahay astaan muujinaysa in dhaqaalaha Mareykanku uu weli xooggan yahay, haddana
waxaa jirta aragti kale oo sheegaysa in tani ay tahay guul been ah, taasoo si
ku meel gaar ah u muuqata. Xaqiiqdii kororka dollarka wuxuu abuuraa cadaadis
aan toos ahayn oo ku dhaca Mareykanka laftiisa, maadaama qiimaha dhoofintiisa
uu sare u kaco, taasoo tartanka ganacsi ee shirkadaha Maraykanka hoos u
dhigaysa. Waxaa sidoo kale jirta dhibaato kale oo la xiriirta deynta dalalka
soo koraya ee ku qoran dollarka, kororka dollarka wuxuu sare u qaadaa culayska
deynta ay dalalkaasi bixiyaan, taasoo khatar galin karta xasiloonidooda
maaliyadeed.
Dhanka Japan iyadoo ay jirto hoos u dhac joogto ah oo ku
yimid awoodda iibsiga ee yen-ka, dowladda iyo Bangiga Dhexe ee Japan waxay si
xeel dheer ah uga fiirsanayaan istaraatiijiyadooda. Faragelinta suuqyada lacagaha
si toos ah iyada oo la iibsanayo lacagaha qalaad waxay noqon
kartaa mid aad u saameyn badan. Laakiin inta badan Japan waxay doorbidaysaa in
ay adeegsato siyaasado dabacsan sida istaraatiijiyad suuqayad ku dhiirrigeliso in ay is beddelo oo si dabiici ah. Tani
waxay sare u qaadaysaa xiisaha laga qabo in mar kasta oo yen-ku gaaro heer aad
u hooseeya, uu jiro khatar faragelin toos ah oo keenta in suuqyadu si deg deg ah
u beddelaan jihada.
Arrinta kale ee la dareemayo waa isbeddelka habka ay dadku u
fahmayaan doorka lacagaha caalamka. Xilli hore dollarka Mareykanka wuxuu ahaa
xudunta kaliya ee suuqyada, laakiin hadda waxaa soo kordhaya dadaallo lagu
raadinayo lacagaha kale sida CNY Shiinaha ama Euro Midowga Yurub.
Inkasta oo aysan wali jirin lacag si buuxda ugu beddeli karta heer ka dollarka,
haddana shaki kuma jiro in kalsoonida suuqyada ee dollarka ay hoos u dhacayso
marka ay dhacaan falal siyaasadeed oo muujinaya in Mareykanku uusan lahayn
midnimo siyaasadeed oo joogto ah. Tani waxay keeni kartaa in maalgashadayaashu
ay bilaabaan inay kala firdhiyaan lacagahooda si ay khataraha ugu yareeyaan,
taasoo si toos ah u saameyn karta qiimaha dollarka mustaqbalka dhow.
Waxaa jira cadaadisyo gudaha Japan ah oo keeni kara in ay timaado
beddelid istaraatiijiyadeed oo dhinaca siyaasadda lacagta ah. Marka uu
cadaadisku gaaro heer aan la aqbali karin, sida kor u kaca weyn ee qiimaha
badeecooyinka muhiimka ah ee la keeno gudaha. Bangiga dhexe waxa khasba ku noqon karat in uu joojiyo siyaasadda dulsaarka hoose, ama ugu yaraan uu bilaabo
inuu si tartiib tartiib ah u kordhiyo dulsaarka si loo yareeyo hoos u dhaca
yen-ka. Taas micnaheedu waa in xaaladda hadda jirta aysan ahayn mid rasmi ah oo
aan beddelmin, balse ay tahay xaalad suuqeed oo kumeelgaar ah.
Waxaa la isku raacsan yahay in Mareykanka uu hadda wajahayo
dhibaatooyin gudaha ah oo aan laga fursan karin. Sicir-bararka weli ma ahan mid
si buuxda loo xakameeyay, inkastoo uu hoos u dhacay marka lo barbardhigo 2022.
Sidoo kale is badal ka suuqyada saamiyada iyo sare u kaca deynta dowladda
Mareykanka waxay keeni karaan walaac joogto ah oo laga qabo mustaqbalka
dhaqaalaha. Haddii Fed-ka uu go’aansado inuu joojiyo kordhinta dulsaarka ama
xitaa uu yareeyo, taasoo la mid ah in la bilaabo hoos u dhigid waxay noqon kartaa cadaadis weyn oo dollarka
hoos u dhiga, isla markaana u sahla yen-ka inuu dib u soo kabsado.
Japan dhankeeda haddii ay bilowdo dib u eegista
siyaasadeeda maaliyadeed ee muddada dheer, waxay keeni kartaa isbeddel weyn oo
dhanka kalsoonida suuqyada ah. Haddii yen-ka uu bilaabo inuu adkaado iyadoo ay
sabab u tahay siyaasado cusub, markaas waxaa la filan karaa in
maalgashadayaasha caalamka ay dib ugu soo laabtaan suuqyada Japan gaar ahaan
marka la tixgeliyo qiimaha hooseeya ee saamiyada Japan iyo koboca
wax so saarka dhoofinta.
Haddaba marka la fiiriyo xagga taariikhda, isbeddelada u
dhexeeya dollarka iyo yen-ka ma ahan kuwo cusub. Laga soo bilaabo
1980-meeyadii, waxaa jiray mowjado kala duwan oo marna dollarka sare u qaaday,
marna yen-ka. Waxaa jiray xilliyo ay labada dowladood is fahmeen si ay u
xakameeyaan sarrifka, sida heshiiskii Plaza Accord ee 1985, kaasoo lagu
xakameeyey kororka dollarka oo wax u dhimey dhoofinta Mareykanka. Taasi waxay
tusinaysaa in haddii xaaladdu noqoto mid khatar galin karta xasilloonida
dhaqaale, ay dowladda Mareykanka iyo Japan ba bilaabi karaan wadahadal si ay ula
tacaalaan cadaadiska suuqa.
Ugu dambeyntii isbarbardhig lagu sameeyo xaaladda maanta
iyo xilliyadii hore wuxuu muujinayaa in kororka dollarka aanu ahayn mid aan
dhammaaneyn, sida dad badan u maleyn karaan. Waxa uu ku saleysan yahay kala
duwanaanta siyaasadaha lacagta labada dal, iyo dareenka suuqyada ee ku saabsan
kalsoonida maalgashi ee labada dhaqaale. Marka dareenkaasi is beddelo, oo isbeddelka suuqyaduna way soo noqon karaan. Sidaas darteed kororka dollarka ee
maanta looma tixgelin karo mid waara, gaar ahaan marka ay muuqato in siyaasadaha
Fed-ka ay bilaabayaan inay deg degaan, halka Japan ay u muuqato inay diyaar u
tahay in ay dib u eegto dulsaarkeeda si ay u xoojiso yen-ka.
Maanta waxaa muhiim ah in aan ka feejignaanno falanqaynta deg dega ah. Suuqa lacagaha ma ahan mid xisaab ku xiran oo lagu fahmi karo. Waxaa lagu fahmaa dareen, kalsooni, iyo saadaalin mustaqbalka ku saleysan. Haddii bangiga dhexe ee Japan uu muujiyo tallaabo firfircooni, ama Fed-ka uu muujiyo dabacsanaan cusub, waxa dhacaya isbeddel aan la fileyn oo ka yaabin doona suuqyada. Sidaas darteed ma aha in la rumaysto in dollarku had iyo goor sareyn doono, ama in yen-ku had iyo goor daciifi doono. Suuqu waa mid isbeddel badan leh, mid walbana wuxuu sugayaa goortii uu heli lahaa fursad uu ku sarreeyo.
Is-barbardhig Yen iyo Dollar maanta
Haddii la barbardhigo kororka dollarka iyo daciifnimada yen-ka sanadihii u dambeeyay, waxaa muuqata in arrintaasi ay tahay natiijada laba arrimood oo waaweyn
1.
Mareykanka oo dulsaarka si joogto ah u kordhiyay
si uu ula dagaallamo sicir-bararka.
2. Japan oo weli ku sii jiro siyaasaddii dulsaarka hoose ee muddada dheer.
Taasoo
abuuraysa farqi weyn oo xiiso leh oo ka dhaxeeya labada dhaqaale.
Qodobka |
USD (Dollar) |
JPY (Yen) |
Siyaasadda Lacagta |
Adag (Fed
kor u qaaday dulsaarka) |
Dabcisan (BoJ wali eber u dhow) |
Sicir-bararka |
Weli sare (3.2%) |
Kordhaya (3.4%) |
Faragelin Dowladda |
Maya (suuggu xor ayuu yahay) |
Haa ($55B faragelin bishii Abriil) |
Kalsoonida Maalgashadayaasha |
Sare |
Hoose |
Saadaasha Falanqeeyayaasha |
Wax yar
oo hoos u dhac ah 2025 |
Kordhinta dulsaarka 2025-2026 |
Dhibaatada Ganacsi |
Sarifka sare wuu dhaawacaa wax-soo-saarka |
Sarifka
hoose wuu caawiyaa dhoofinta |
Laakiin hadda waxaa muuqata in Mareykanka uu ku socdo dariiq
uu kaga fiirsanayo kordhinta dulsaarka taas oo haddii la joojiyo, ay cadaadis ku
noqon karto dollarka. Dhanka kale Japan waxay bilowday in ay iftiimiso dib u
eegista istiraatiijiyadeed, taasoo la micno ah in ay kor u qaadi karto
dulsaarka haddii yen-ku sii daciifo. Labadan isbeddel ayaa noqon kara kuwa
meesha ka saara farqiga xoogga badan ee maanta ka dhaxeeya labada lacag.
Haddii yen-ku helo taageero siyaasadeed iyo mid suuqeed, isla markaana dollarku wajahayo cadaadis gudaha ah oo la xiriira sicir bararka iyo suuqyada maalgashiga, waxaa suuragal ah in isbeddel weyn uu dhaco bilaha ama sanadaha soo socda. Sidaa darteed kororka dollarka maanta waa in loo arkaa mid kumeel gaar ah oo u baahan in si weyn laga feejignaado, maadaama isbeddelka siyaasadda midkoodna uu keeni karo dib u rogasho buuxda.
0 Comments