Magaalada New York ayaa maanta la moodaa in aysan xabbadna ku dhicin. Suuqyada ayaa guuxaya, codadka falanqeeyeyaasha maaliyadeed waxay ka soo burqanayaan shaashadaha Bloomberg, CNBC, iyo Reuters. Warka ugu weyn ee isha lagu hayo waa laba. Dollarka Mareykanka oo mar kale hoos u dhacay heer la yaab leh, iyo qiimaha Dahabka oo jebiyay rikoor taariikhi ah, isaga oo gaaray heerkii ugu sarreeyay abid wax ka badan $2,750 halkii ounce. Laakiin dhinaca kale ee aan si weyn loogu jeedin waa saameynta arrintan ay ku yeelatay shirkadaha waaweyn ee loo yaqaan "luxury stocks" ama shirkadaha alaabta qaaliga ah, kuwaas oo dhawaanahan hoos u dhac weyn la kulmay. Haddaba, maxaa dhacay? Maxaa la filan karaa? Yaa guuleysan doona, yaase khasaaraya?
Waa su'aalo
u baahan in si taxaddar leh oo cilmi iyo xog ku saleysan loo eego. Waxaan ku
bilaabi doonaa dabagal taariikhi ah, marka xigtana waxaan u gudbi doonaa
falanqeyn xeel dheer ah oo ku saabsan dhaqaalaha maanta, xiriirka u dhexeeya
dollarka iyo dahabka, iyo sababta ay shirkadaha sida Tesla, Apple, Hermes,
LVMH, iyo kuwa kale u wajahaan waqti adag.
Dollarka
Mareykanka ayaa mudo sanado ah u ahaa tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha caalamka.
Waa lacagta keydka ah ee adduunka, lacagta ganacsiga batroolka, lacagta
deymaha laga qaato, iyo lacagta dawlado badan ku tiirsan yihiin. Laakiin
sanadkii 2024-kii ayaa ahaa xilli wax badan isbedeleen. Marka la gaaro April
2025, wax badan baa ka sii daray. Sicir bararka oo dib u soo
laabtay, deymaha dowladda Mareykanka oo gaarey heer taariikhi ah, Fed-ka
Mareykanka oo lumiyay kalsoonidii caalamka, iyo weliba cadaadiska siyaasadeed
ee ka yimid Madaxweyne Trump oo markale ku soo noqodaye xafiiska, waxa
yaabahani oo dhami waxa ay dhulka dhigeen kalsoonidii loo qabay dollarka
Mareykanka.
Xaaladda
cakiran ee siyaasadda Mareykanka ayaa ahayd mid xasillooni darro ku abuuraysa
suuqyada caalamka. Madaxweyne Trump oo xukunka la wareegay bishii Janaayo
2025 ayaa bilaabay in uu cadaadis saaro Federal Reserve, isagoo
dalbaday in la jaro ribada si u dhaqaaluhu kor ugu kaco arrintaa si toos ah u dhaawacdaye kalsoonidii
maalgeliyayaasha. Tani waxay horseeday in doolarkii hoos u dhaco, iyada oo
maalgeliyayaashu bilaabeen in ay raadsadaan hantida dhabta ah sida dahabka
iyo hantida sugan sida Franc-ga Swiss-ka iyo Yen-ka Japanese-ka.
Dhinaca
kale, qiimahii dahabka ayaa si aad ah u
kordhay. Ma ahan oo kaliya in ay dad badan u arkaan meel ay lacagtooda ku
keydsadaan, balse sidoo kale waxay dhabar jab ku tahay nidaamka lacagaha fiat-ka
ee ku tiirsan kalsoonida dowladaha. Dadka wax falanqeeya waxay leeyihiin ‘’marka
dollarku burburo, dahabka ayaa sare u kacaya wax ka badan cilmi dhaqaale, waa dareen bulsho
oo qoto dheer’’.
Shirkadaha
qaaliga ah, kuwaas oo inta badan faa'iido badan ka hela awoodda wax iibsiga ee
dadka lacagta badan haysta, waxay wajahayaan caqabado badan. Tusaale ahaan,
shirkadda LVMH, oo iska leh noocyada Louis Vuitton, Dior,
iyo Hennessy, waxa ay la kulantay hoos u dhac dhan 12% saddexdii
toddobaad ee u dambeeyay. Arrintaan waxay si gaar ah u saameysay suuqyada Aasiya
iyo Bariga Dhexe, halkaas oo dollar-ka hooseeya iyo qiimaha sare ee
dahabka ay hoos u dhigeen awoodda wax iibsiga ee macaamiisha caadiga ah.
Apple, oo in kasta oo aan si toos ah
loogu aqoonsan shirkad "luxury", haddana alaabteeda ay tahay
mid qiimo sare leh, ayaa sidoo kale wajahday culeysyo cusub. Qiimaha wax soo
saarka, iyo qiimaha qeybaha elektaroonigga ah, iyo ku kala duwanaanta
suuqyada ayaa sababay in saamigeedu hoos u dhaco 8% toddobaadyadii la
soo dhaafay. Tani waxay tahay calaamad muujinaysa in isbeddel weyn uu socdo,
isbeddelkaas oo laga yaabo in uu dib u qeexo fikirka ganacsiga ee shirkadaha
waaweyn.
Sida la
ogyahay, suuqyada saamiyada ee caalamka ayaa si toos ah ula socda qiimaha
lacagaha iyo dahabka. Markasta oo dollarku daciifo, ganacsatada waxay
bilaabaan in ay ka guuraan hantida suuqyada maaliyadeed una guuraan hantida dabiiciga
ah sida dahabka, lacagta, ama hantida dhabta ah sida dhulka. Tani waxay hoos u
dhigtaa qiimaha saamiyada shirkadaha waxaana
si gaar ah u saameeya shirkadaha aan wax soo saarka aasaasiga ah lahayn.
Waxaa la
isweydiinayaa: haddii dollarka uu sii daciifo, dahabkana uu gaaro $3,000
ama ka badan ounce-kii, maxaa noqon doona mustaqbalka shirkadaha sida Tesla,
Hermes, ama Apple? Ma heli doonaan fursad ay kaga badbaadaan
isbeddelkan?
Waxaa jirta
suurtagalnimo ah in shirkadahan ay wajahaan laba dariiqo oo kala ah:
1. Mid ay ku yareeyaan kharashaadka,
una wareegaan suuqyo cusub oo ka fog suuqyada dhaqaalaha hoos u socda,
2. Mid ay isku dayaan in ay sameeyaan
isbedel qoto dheer oo lagu bedelayo nidaam ka ganacsigooda tusaale ahaan, ku tiirsanaanta teknoolojiyadda
AI ama deegaanka (green economy). Tani waxay noqon kartaa fursad
cusub laakiin sidoo kale halis weyn
haddii aan si wanaagsan loo wajahin.
Xaaladda
suuqayadd saamiyadd ee Mareykanka ayaa mid aan horay loo arag ah. Qiimaha
shirkadaha "luxury" ayaa si joogto ah hoos ugu dhacaya,
waxaana ka sii daran, ma jiro calaamad muujinaysa in dib u soo kabasho deg deg
ahi dhici doonto. Dad badan waxay su'aal ka keenayaan Ma la gaaray waqtigii dahabka
uu mar kale noqon lahaa hantida ugu weyn ee caalamka lagu qiimeeyo?
Dhinaca kalena waxaa jirta war wanaagsan. Dadka haysta dahab, ama kuwa maalgelinta ku sameeya hantida dabiiciga ah, waxay arkeen faa’iidooyin aan caadi ahayn. Waxay arkaan qiimaha hantidooda oo laban laabmay, kalsooni buuxda oo ay ku qabaan mustaqbalkooda maaliyadeed, iyo awood ay kaga adkaan karaan isbedel kasta oo dhaqaale ama siyaasadeed.
Hase yeeshee, dadka dakhligoodu yar yahay, ama kuwa ku
tiirsan mushahar kaliya, waxay wajahaan dhibaatooyin aan la qiyaasi karin.
Qiimaha badeecooyinka ayaa kacay, adeegyada ayaa qaali ku noqadye, lacagtooda
ayaa qiimo beeshay, dhanka kale shirkadihii ay maalgelinayeen ayaa hoos u
dhacay ku yimid. Su’aasha ugu weyn ee ay isweydiinayaan maanta waa Xaggee
ayaan u soconaa?
Marka laga eego dhinaca siyaasadda, Dowladda Mareykanka
waxay isku dayeysaa in ay xoojiso kalsoonida suuqyada iyada oo kordhisaye
deymaha dowladda si ay u taageerto barnaamijyada shaqo abuurka iyo fududeynta
maaliyadda, laakiin taasi waxay keentay in lacagta la daabaco ay noqoto mid xad
dhaaf ah. Tani waa sababta ugu weyn ee dollarka hoos ugu dhacay, taasoo si toos
ah u dhiirrigelisay qiimaha dahabka oo kor u kacay.
Marka la fiiriyo meesha uu caalamku maanta marayo, waxa ay u
muuqataa in isbeddel dhaqaale oo taariikhi ah uu
dhacayo. Waxay noqon kartaa isbeddel lagu tilmaami karo "dib u habeyn
cusub" ama "xilli isbeddel dhaqaale", kaas oo beddeli
doona habka ay dunidu u aragto lacagta, kalsoonida suuqyada, iyo cidda hogaamin
doonta dhaqaalaha mustaqbalka.
Waxaan hadda joognaa meel ay dunidu dib uga fikireyso
qiimaha hantida, awoodda lacagaha, iyo kalsoonida shirkadaha waaweyn.
Waa waqti laga yaabo in uu yahay mid halis badan laakiin sidoo kale waa fursad qaali ah oo
loogu talagalay kuwa fahmaya halka laga guurayo iyo halka la hiigsanayo.
0 Comments