Ticker

6/recent/ticker-posts

Social Commerce 2025




Qarnigan 21aad, isbedelka degdega ah ee tiknoolajiyadda, baraha bulshada. Waxa si weyan u kordhaye ganacsiyo loo yaqaano Social Commerce oo ah is dhexgalka suuq geynta, iibinta, iyo adeegyo ay macaamiisha ah ee ka dhex dhaco baraha bulshada. Ganacsigani wuxuu beddelayaa halbeegyada suuqyada.

Social Commerce ma aha oo keliya hab cusub oo wax lagu iibiyo waa hab feker cusub, dhaqaale iyo saameyn weyn ku leh, gaar ahaan dhalinyarada casriga ah.

 

Sidee ayuu ku Bilaabmay?

 

Social commerce wuxuu si rasmi ah u soo muuqday qiyaastii 2015, iyadoo Facebook uu bilaabay inuu isku xiro dukaamada yaryar ee ganacsatada. Balse isbedelka dhabta ah wuxuu yimid kadib markii

  • Instagram uu bilaabay "shoppable posts"
  • TikTok uu ku daray "TikTok Shop"
  • Pinterest uu hirgeliyay "Buyable Pins"
  • WeChat ee Shiinaha uu dhisay Mini Programs oo u ekaa app gudahane app ka ah

 

Tusaale ahaan, china ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee si buuxda u adeegsaday social commerce iyadoo WeChat Mini Programs ay noqdeen kuwo malaayiin qof isticmaala.

 

Maxaa Laga Wadaa Social Commerce?

 

Social Commerce waa is dhexgalka ganacsiga eCommerce iyo baraha bulshada halkaas oo isticmaalayaashu ay wax ka iibsadaan, ka dhiibtaan ra’yigooda, isla markaana la falgalaan alaabo ama adeeg si toos ah baraha bulshada dhexdeeda.

Si ka duwan suuqyada laga adeegto ah ama eCommerce caadi ah (sida Amazon ama Shopify), social commerce wuxuu kuu ogolaanayaa

  • Inaad wax iibsato adigoon bixin goobta app ka sida Instagram ama TikTok
  • Inaad aragto alaabta iyadoo qof kuu sharaxaya “live
  • In aad la falgasho dadka kale oo aad ogaato fikradooda, ka hor intaadan wax iibsan

 

Sida uu u Shaqeeyo Social Commerce

 

Waxaa jira dhowr hab oo uu social commerce u shaqeeyo

  1. In-app Checkout Meheraddu waxay kuu ogolaanaysaa inaad wax ka iibsatid adigoo ku jira Instagram ama TikTok.
  2. Live Shopping Events Hal abuurayaal (creators) waxay toos u baahiyaan alaabo oo ay sharaxayaan, dadka daawanayana ay isla markiiba iibsan karaan.
  3. Influencer Collaboration Qof caan ah (influencer) ayaa si toos ah u xayeysiinaya shey oo ay dadku si toos ah u iibsan karaan adigoo gujinaya link gaar ah.
  4. User Generated Content (UGC) Dadka caadiga ah ayaa sameeya muuqaallo ama sawiro ay ku tijaabinayaan alaab, taasoo kor u qaada kalsoonida iyo iibka.

 

 

Xogaha Caalamiga ah ee (2024–2025)

 

  • Tirada dad wax ku iibsada baraha bulshada ayaa dhaaftay 2.6 bilyan dunida oo dhan (Statista, 2025)
  • TikTok Shop oo keliya ayaa soo saartay in ka badan $20 bilyan USD sanadkii 2024
  • In ka badan 45% dadka da’dooda u dhaxaysa 18–35 jir ka waxa ay sheegeen inay jecel yihiin in ay wax ka iibsadaan marka ay daawanayaan live ka
  • Instagram Shopping wuxuu kordhay 70% marka loo eego 2023
  • Facebook Shops ayaa si weyn uga faa’iideystay AI-driven personalization

 

 

Tiknoolajiyada Social Commerce

 

Social commerce uma shaqeyso kaliya baraha bulshada, balse waxaa hoos yimaada tiknoolajiyado aad u xoog badan sida

  • AI Recommendation Enginess Waxa ay si gaari ah u soo bandhigtaa adeegyo ku habboon suuqa
  • Augmented Reality (AR) Waxaa suurto gal ah in aad “ku tijaabiso” dharka ama qurxinta adigoo isticmaalaya kamaradda taleefanka
  • Chatbots Waxay kaa caawin karaan su’aalaha iyo hagida macaamiisha
  • Data Analytics Ganacsatada waxay si toos ah u ogaan karaan waxa la jecel yahay iyo waxa aan socon

 

 

Fursadaha Ganacsiga Social Commerce

 

Ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) waxay heli karaan fursado badan

  • Uma baahna website gaar ah waxa kaliya oo u baahan baro bulsho iyo muuqaal wanaagsan
  • Waxay si fudud u gaari karaan macaamiil cusub
  • Waxa jiro taageer toos ah oo ka raacaan platforms ka (sida TikTok Shop seller center)


xigasho.: Growth Worldwide


Saameynta Dhalinyarada iyo Hal abuur ka

 

Dhalinyaradu waa laf-dhabarta social commerce waxay jecel yihiin

  • In ay daawadaan muuqaallo live ah
  • In ay ku iibsadaan kalsoonida hal-abuurayaal caan ah (KOLs, influencers)
  • In ay helaan alaab gaar ah, “limited drops,” ama “viral products”

Tusaale: Hal TikTok creator ayaa alaab $100,000 ku iibiya hal mar ah oo kaliya 1 hour gudaheed.

 

 

Caqabadaha iyo Digniinta

 

In kasta oo ay jirtaan fursado waa ween ah, haddane waxa jiri kara caqabado

  • Aaminaadda Macaamiisha: Alaab been abuur ah ama tayadeedu liidato
  • Badbaadada Xogta: Macluumaadka shaqsiga ah ee macaamiisha
  • Cilad farsamo: live-ka oo go’o ama link-yada wax iibsiga oo aan shaqeynin
  • Kalsoonida alaab-qeybiyeyaasha: Ganacsatada qaar waxay ku shaqeeyaan dropshipping, taasoo sababi karta dib u dhac

 

 

Mustaqbalka Social Commerce ilaa 2030

 

Waxaa la filayaa

  • In baraha bulshada badankooda ay noqdaan suuqyo buuxa
  • In AI-generated content uu beddelo xayeysiiska dhaqanka
  • In Virtual Reality (VR) loo isticmaalo si wax loo iibiyo
  • In suuqyada sida Africa ay gaaraan heerar cusub oo social commerce ah
  • In dadka caadiga ah (creators) ay noqdaan ganacsato dhab ah adigoo gurigaaga jooga ayaad dunida wax uga iibin kartaa

 

Social commerce waa mashruuc cusub oo dhaqaale, suuq, iyo hal-abuurnimo leh. Waxaa lagu iibin karaa fikrado, Alaabo, adeeg, iyo xiriir toos ah. Haddii aad tahay ganacsade, suuq geeye, ama hal-abuur.

Post a Comment

0 Comments