Mudadii ugu dambeeyay waxaa si weyn isku beddelay muuqaalka
dhaqaale ee caalamka, taasoo saamayn weyn ku yeelan karta lacagaha dhijitaalka
ah. Stablecoin yada, oo horey gacanta ugu jiray shirkado waaweyn oo Fintech
ah iyo goobaha waaweyn ee crypto ka, ayaa hadda albaabada u furaya bangiyada
yaryar si ay uga qayb qaataan dhaqaalaha lacagaha dhijitaalka.
Waa Maxay
Stablecoin?
Stablecoin waa nooc ka mid ah lacagaha crypto ka oo
qiimahooda lagu xidho lacagaha adag sida dollarka Mareykanka, euro ka, ama
dahabka. Kan duwan Bitcoin ama Ethereum oo qiimahooda si xad
dhaaf ah kor iyo hoos ugu kaco, stablecoin yadu waxay bixiyaan qiime deggan oo
la saadaalin karo, taasoo ka dhigaysa kuwo ku habboon lacag kala wareejinta,
xawilaadaha, iyo kaydinta qiimaha.
Markii hore
stablecoin yada sida Tether (USDT), USD Coin (USDC), iyo DAI
waxaa gacanta ku hayay shirkado gaar loo leeyahay ama hay’ado decentralised ah.
Laakiin hadda arrimuhu way is beddelayaan iyadoo sharci dejintu ay sameeyeen
xeerar cad oo suurtagelinaya in bangiyada yaryar ee la nidaamiyo ay ka qayb
qaataan.
Maxay Bangiyada Yaryar U Xiiseynayaan?
Sanado
badan bangiyada yaryar waxay la kulmayeen tartan xoog leh oo uga imaanayay
fintech yada iyo bangiyada waaweyn. La wareegida adeegyada stablecoin ka waxa
ay siisaa bangiyada yaryar faa'iidooyin dhowr ah
- Dakhliga Cusub: Iyagoo bixinaya adeegyo
stablecoin ah ama ilaalinta lacagahaas, bangiyada yaryar waxay heli karaan
ilo dhaqaale oo ween ah cusub.
- Xajinta Macaamiisha: Waxay soo jiidan karaan
dhalinyarada iyo macaamiisha casriga ah ee raadinaya adeegyo crypto ah.
- Horumarinta Teknoolajiyadda: Waxay casriyeeyn karaan
nidaamkooda si ay ula jaanqaadaan isbeddellada dhaqaalaha.
Bangiyada Ugu Horeeyay ee Talaabada Qaaday
Bangiyo
dhowr ah oo yaryar ayaa durba talaabooyin muuqda qaaday sida
- Signature Bank (USA): Ka hor intaan la xirin 2023,
wuxuu ahaa bangigii ugu horreeyay ee goboleed ee bixiya adeegyada lacag
kala wareejinta waqtiga dhabta ah isagoo adeegsanaya madal dijitaal ah oo
ku saleysan stablecoin.
- Pathward Bank (USA): Waxaa horey loogu yaqaanay MetaBank,
wuxuu hadda la shaqeynayaa fintech yada si ay u sahamiyaan xaaladdah
stablecoin ee ganacsiyada B2B.
- Sygnum Bank ka (Switzerland): In kasta oo uu yahay bangi crypto
native ah, Sygnum waxa uu noqday tusaale ku dayasho mudan oo muujinaya
sida bangiyo waaween ay si sharciyeysan ugu geli karaan stablecoin ka.
Sharciyadda cusub oo Albaabka uu Furtaye
Caado ahaan
mid ka mid ah caqabadaha ugu waa weyn ee bangiyada ka hor taagnaa inay crypto
galaan waxay ahayd hubanti la’aanta sharciyada. Laakiin Sanada kii 2024
iyo 2025 ka waxaa la gaaray horumar weyn
- Mareykanka(USA), Xafiiska Xisaabaadka (OCC)
ayaa bixiyay hagitaan ogolaanaya in bangiyada qaar ay qabtaan adeegyada
crypto oo ay ka mid yihiin ilaalinta stablecoin-yada.
- Midowga Yurub(EU), sharciga MiCA (Markets
in Crypto Assets) wuxuu soo saaray nidaam cad oo sharciyeed oo
bangiyada u fududeynaya inay ka qayb qaataan.
- Dalal sida Singapore iyo
Imaaraadka Carabta ayaa bixiyay laysan cad oo bangiyada u
suurtagelinaya inay bixiyaan adeegyada stablecoin ka.
Saameynta Caalamiga ah
Ka
qaybgalka bangiyada yaryar ee suuqyada stablecoin ka wuxuu yeelan karaa saameyn
ballaaran
- Kala firdhinta Awoodda
Maaliyadeed:
Waxaa yaraada awooda ay haystaan shirkadaha waaweyn.
- Xasillooni dheeraad ah: Bangiyada la nidaamiyo waxay
keeni karaan kalsooni dheeraad ah.
- Is dhexgal Maaliyadeed: Bangiyada goboleed waxay
gaarsiin karaan adeegyada stablecoin ka bulshooyinka aan heli karin
adeegyo bangi.
Doorka Shirkadaha Teknoolajiyadda Waaweyn iyo
Bangiyada Dhexe
Isbeddelkan
wuxuu dhacay iyadoo isla markaana
- Apple iyo Google ay baarayaan sidii ay
stablecoin ugu dhex dari lahaayeen adeegyada lacag bixinta.
- Bangiyada Dhexe (CBDCs) ay tijaabinayaan lacagaha
dhijitaalka ah ee dowladuhu maamulaan, kuwaas oo la jaanqaadi kara
stablecoin yada gaarka loo leeyahay.
Mustaqbal ka 2025 Iyo Wixii Ka Dambeeya
Sanad ka 2025
marka la fiiriyo, waxaa muuqda dhowr jihadood
- Iskaashiga ayaa noqon doona
furaha:
Bangiyada yaryar waxay la midoobi doonaan fintech yada si ay u helaan
xirfado farsamo isla markaana sharciyada u ilaaliyaan.
- Fursado xuduudaha ka baxsan: Stablecoin yadu waxay fududeyn
karaan lacagaha xawilaadaha caalamiga ah.
- Horumarinta sharciyada: Wadahadalada socda ee ay
hogaaminayaan FSB iyo BIS ayaa sii qeexi doona xeerarka
stablecoin ka.
Stablecoin yada
oo u furmaya bangiyada yaryar ma aha oo kaliya horumar farsamo ee waa fursad si
cadaalad ah loogu qaybsado dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Dadka
caadiga ah waxay heli doonaan adeegyo badan. Nidaamka dhaqaalaha caalamiga ahna
wuxuu noqon karaa mid xoog badan.
Wax kasta
oo dhaca hal shay ayaa iska cad kacdoonka stablecoin ka hadda kuma koobna oo
keliya shirkadaha crypto ka iyo kuwa Wall Street hadda qof walba ayaa
laga furay albaabka.
0 Comments