Dunida maanta waxa laga hadalaay heshiis kii u dhexeeya awoodaha dhaqaale ee ugu waaweyn, gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha. Sanado badan labada dal waxa ka dhex aloosnaa dagaal ganacsi oo sababay in la is dhaafsado cashuuro waaweyn oo saameyn ween ku yeeshay shirkado, maalgashadayaal, iyo suuqyada caalamiga ah. Balse hadda waxa ay gaaren heshiis ku meel gaari ah, Mareykanka iyo Shiinaha waxay ku heshiiyeen in la dhimo cashuurihii sarreeyay, taasoo abuurataye isbeddel weyn oo ganacsiga caalamiga ah.
Dagaalkii Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha
Sanadkii 2018, xilligii madaxweynihii hore ee Donald Trump, Mareykanku waxa uu bilaabay inuu cashuuro saaro badeecooyin kala duwan oo Shiinaha laga keeno, isaga oo ku andacoonaya in Shiinuhu uu si caddaalad darro ah uga faa’iidayo heshiisyada ganacsi ee Mareykanka. Shiinaha isna wuu ka so jawaabay wuxuuna isna cashuuro ku rogay badeecooyinka Mareykanka.
Intii uu dagaalkani socday qiimaha waxyaabaha asaasiga ah
sida birta, aluminium ka, iyo qalabka elektarooniga ah aad buu u kacay.
Shirkado waaweyn oo Mareykan ah sida Apple, Boeing, iyo General Motors ayaa
dareemay hoos u dhac weyn, sidoo kalena Shiinuhu waxa u la kulmay culeysyo dhaqaale oo gudaha ah.
Waa Maxay Heshiiskan Cusub?
Heshiiska la shaaciyay 12.May 2025 waxa uu dhigaya in labada dal ay si weyn u dhimaan cashuurihii ay is dhaafsadeen
- Mareykanku wuxuu oggolaaday
inuu meesha ka saaro in ka badan 60% cashuurihii lagu soo rogay
badeecaddah Shiinaha laga keeno.
- Shiinaha isna wuxuu yareeyay cashuurahii ku soo rogaye ilaa 10% badeecadd Mareykanka laga keeno, gaar ahaan kuwa beeraha iyo qalabka elektarooniga.
Sidee Suuqyada Caalam ka isku badalaye?
Suuqyada saamiyada adduunka ayaa si aad ah isku badalye heshiis kan kadib.
- Dow Jones Industrial Average ayaa kor u kacay 3.5% 24 saacadood gudahood.
- Suuqa Shanghai Composite wuxuu sare u kacay 4.1%.
- FTSE 100 (UK) iyo DAX (Germany) waxay labaduba muujiyeen kor u kac 2% ka badan ah.
Xigasho.: DAX Stock
Heshiiska
Mareykanka iyo Shiinaha ee cashuuraha ayaa si weyn u saameeyay suuqyada caalam ka
oo dhan, isagoo abuuray rajo cusub. Inkastoo uu yahay mid ku meel gaar ahi oo mudo
90 maalin ah. Haddana wuxuu muujinayaa diyaar garowga labada dal ee ku aaddan
xalinta khilaafaadka ganacsi. Bitcoin wuxuu wajihi doonaa waqti xasilloon oo
istiraatiiji ah, waxaana la filan karaa koror yar laakiin joogto aheen.
Xigasho.: Coinmarketcap
Marka la eego Ethereum (ETH) ayaa maanta kor u kacday 1.4%, iyadoo qiimaheedu gaaraye $2,561. Isbeddelkan ayaa ka dhashay yareynta xiisadaha ganacsi ee caalamiga ah iyo kororka kalsoonida crypto community. Sidoo kale cryptocurrencies kale sida Solana iyo XRP ayaa kor u kacay 0.8% iyo 7.6%, siday u kala horreeyaan.
Xigasho.: CoinDesk
Suuqa saamiyada ayaa gaaraye meel sare kadib markii la ansixiyay heshiiyadii USA iyo China. Mark laga qiimeeyo SPDR S&P 500 ETF Trust (SPY) ayaa kor u kacay 2.54%, isagoo gaaraye $578.93. Sidoo kale Invesco QQQ Trust Series 1 (QQQ) ayaa kor u kacaye 3.20%, ayaa qiimaheedu gaaratye $503.56. Si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in kororka qiimaha saamiyada uu ka dhashay ay tahaye yareynta xiisadaha ganacsi ee u dhexeesa Maraykanka iyo Shiinaha.
Cryptocurrencies ayaa sido kale muujinaya isbeddelo muhiim u ah. Falanqeeyayaasha qaar ayaa saadaalinaya in Bitcoin uu gaari karo $150,000 ilaa $185,000 dhammaad kan 2025, iyadoo ay ugu wacan tahay kororka iyo aqbalaadda hay'adaha maaliyadeed, isticmaalka guud ee lacagta dijitaalka ah. Sidoo kale Ethereum ayaa la filayaa in qiimaheedu uu gaaro $5,500 ilaa $8,000, iyadoo ay sababtu ay tahay horumarka teknoolojiyadda uu sameeyay iyo isticmaalka DeFi.
0 Comments