Ticker

6/recent/ticker-posts

Meme Coin ka iyo Maalgashiga Crypto



Meme coins waxay noqdeen qayb ka mid ah dhaqaalaha casriga ee dijitaalka ah, iyaga oo la mid noqon waayay lacagaha dhaqaalaha saxda ah balse si lama filaan ah u helay sumcad iyo taageero ballaaran. Haddii aan eegno asalka ereyga “meme coin”, wuxuu ka yimid laba erey oo kala duwan "meme" oo loola jeedo sheekooyin, sawirro, ama kuwa ku dhisan qosol oo si deg deg ah ugu faafa baraha bulshada iyo “coin” oo ah lacag dijitaal ah sida Bitcoin. Sidaas darteed meme coin waa lacag crypto ah oo ka dhalatay kaftan ka internet ka ah, ama kuwa si qiyaal ah lagu dhisaye, balse uu ka dambeeyay mashruuc maaliyadeed oo dhab ah.

Markii ugu horraysay ee la arko meme coin si caan ah u faafta waxay ahayd 2013 markii la sameeyay Dogecoin. Dogecoin waxa uu asal ahaan ka yimid meme aad loo yaqaan oo ah eeyga “Shiba Inu” oo leh wejigiisa qosolka. Dhinac kale dad badan aya markii hore u arkayeen kaftan, Dogecoin si deg deg ah ayuu u kasbaday dad jecel oo taageersan, waxaana la bilaabay in lagu ganacsado. Sida ay sheegayaan dadkii asaasay Dogecoin loma samayn ujeeddo dhaqaale, balse bulshada ayaa la qabsatay fikraddan, waxa u isku beddeshay wax qiimo leh oo xitaa lagu taageero mashruucyo sadaqo ah ama loogu diro lacag dad kale oo caawimaad u baahan.

Waxa ka dambaysay guusha Dogecoin ayaa dhalisay coin kale oo la mid ah, kuwaas oo iyaguna lagu sameeyay dabeecad meme ah sida Shiba Inu (SHIB), Floki Inu, Pepe coin, iyo kuwa kale oo badan. Maanta waxaa jira kumannaan meme coins ah, kuwaas oo qaarkood lagu qiimeeyo malaayiin dollar.  Shiba Inu oo tusaale u ah waxa u noqday mid kamid ah 20-ka ugu qiimaha badan ee Cryptocurrency ah sanadkii 2021, isaga oo aan lahayn adeeg gaar ah balse taageero ballaaran ka helay bulshada, gaar ahaan dadweynaha ku jira baraha bulshada sida Twitter, Reddit, iyo Telegram.

Haddii la eego si qoto dheer ah meme coins ma ahan lacag crypto ah oo leh ujeeddo farsamo sida Ethereum ama Solana. Taa beddelkeeda meme coin ka waxaa y ku dhisan tahye dareen ka shacab ka iyo warbaahinta, ama mark qaar dadka caan ka ah sida Elon Musk oo marar badan si toos ah ugu taageeray Dogecoin. Xitaa hal tweet ah oo ka yimaada qof caan ah ayaa sababi kara qiima oo si dag dag ah u kac, taas oo tuseesa sida u meme coins yihiin kuwo si aad ah ku tiirsan dareenka dadweynaha.

Ma jiraan xeerar adag ama farsamooyin qoto dheer oo laga yaabo in dadka intooda badan aysan fahmin sida loo isticmaalo ama wax uga faa‘iido. Taageerayaash waxay sameeyaan hal ku dhigyo, sida sawirro qosol leh, iyo ololeyaal taageero oo internet ka si toos ah loogu abaabulo. Waa dhaqdhaqaaq ay bulshadu waddo oo aysan xakameynin bangi ama hay'ad dhexe.

Sanad

DOGE(USD)

SHIB(USD)

SAFEMOON(USD)

KISHU(USD)

FLOKI (USD)

Qiimaha Guud ee Meme Coins (Bilyan USD)

2015

0.0003

N/A

N/A

N/A

N/A

0.03

2016

0.0004

N/A

N/A

N/A

N/A

0.05

2017

0.002

0.0000000006

N/A

N/A

N/A

0.10

2018

0.003

0.00000001

N/A

N/A

N/A

0.30

2019

0.002

0.00000003

N/A

N/A

N/A

0.60

2020

0.004

0.00000002

N/A

N/A

N/A

1.50

2021

0.65

0.00008

0.0000034

0.0000001

0.00000003

8.00

2022

0.13

0.00002

0.0000001

0.0000002

0.00000001

20.00

2023

0.08

0.00001

0.0000002

0.00000005

0.00000001

25.00

2024

0.10

0.00001

0.0000004

0.00000004

0.00000002

22.00

2025

0.08

0.00002

0.0000003

0.00000003

0.00000002

30.00

 

Sanadihii ugu dambeeyay dowladda Mareykanka iyo hay’adaha kale ee sharci dejinta caalamiga ah ayaa bilaabay in ay si dhow u eegaan saameynta meme coins ku leeyihiin suuqa. Waxaa jirta dood ku saabsan in coin ka aysan matalin wax qiimo dhab ah, isla markaana ay dadka caadiga ah u horseedaan khasaaro badan. Dhinaca kale dadka meme coins waxa ay ku doodayaan in suuqyada crypto ay ku dhisan yihiin xorriyad, bulshaduna ay xaq u leedahay in ay taageeraan coin kasta oo ay daneynayaan, xitaa haddii uu yahay mid kaftan uun lagu sameeyay.

2024 iyo 2025 ayaa keenay isbedello waaweyn oo la xiriira meme coins. Diiwaanka lacagaha ugu badan ee ku wareegay meme coins ayaa sare u kacay. Tusaale ahaan, Pepe coin oo ah coin cusub oo ka yimid meme ka caanka ah ee “Pepe the Frog” ayaa helay $1 bilyan suuqgeyn 72 saacadood gudahood markii la bilaabay. Sidoo kale Pump.Fun oo ah platform ay dadka iska sameystaan meme coins toos ah ayaa noqday meel si weyn looga hadal hayo, iyadoo laga diiwaan geliyay in ka badan 10,000 meme coins bishii April 2025 kaliya. Tani waxay muujinaysaa in meme coin ay u beddelayaan habka cusub ee ganacsiga ah, kaas oo la jaanqaadaya hormar ka internet ka casiriga ah.

Ein Bild, das Text, Reihe, Handschrift, Diagramm enthält.

KI-generierte Inhalte können fehlerhaft sein.

Xigasho.: Coin marketcap

 

Sida ganacsi kasta oo cusub meme coins waxay dadka hortooda dhigayaan laba wado: mid guul leh iyo mid khasaaro leh. Waxaa muhiim ah in qof kasta oo doonaya in uu ku biiro meme coins uu noqdo mid feejigan, wax badan akhriya, u diyaarsan inuu lumiyo lacagta uu gelinayo, kana fogaado in uu u qaato meme coin sida maalgashiga oo kale ammaan ah. Waxaa laga yaabaa in mustaqbalka meme coins ay noqdaan kuwo sharciyeysan, adeeg la siiyo, ama xitaa lagu isticmaalo habab cusub oo tignoolajiyadeed sida Web3 ama ciyaaraha NFT-ga ah.

Meme coins waxay si dhab ah u muujinayaan sida ugu biiray la jaan qaadid internet ka iyo suuqyada maaliyadeed. Hal tweet (X) ayaa beddeli kara qiimah, hal meme coin oo cusub aay kor ugu qaadi kara. Laakiin su’aasha ugu weyn ee dadka maalgaliyah ahi isweydiinayaan ma aha “Waa maxay meme coin?” ama “Ma noqon doontaa kan xiga ee kuu qiimo yeesho, mise mid kale oo baaba’a ah?”

Waxaa jirta xaqiiq kale oo dahsoon meme coins waa muraayad ka tarjumeysa isbeddelka dhaqaalaha caalamiga ah ee ku wajahan dijitaalnimo. In kasta oo aysan dhab ahaantii matalin horumar ka farsamo, dhinac kale meme coins waxay dadka baraan sida dareenka bulshada uu ula mid noqon karo hantida dhabta ah.

Waxaa suurtagal ah in mustaqbalka meme coin uu isu beddelo wax ka weyn wixii uu asal ahaan ahaa. Waxaa laga yaabaa in qaar kamid ah loo isticmaalo aaladd Metaverse ka, ama xitaa abaalmarinno loogu talagalay adeegsiga baraha bulshada. Teknolojiyada si deg deg ah ayey u socotaa waxaana suurtagal ah in meme coin ay la qabsan doonaan ama ay beddeli doonaan.

Waa dhaqdhaqaaq iyo saameyn bulsho oo suuq ganacsi ah, waana sheeko hor leh oo ka jirta xilligan internet ka. Inkastoo aan la hubin halka ay ku dambeyn doonaan hal mid ah ayaa jirta meme coin waxa noqtaye qayb aan la dafiri karin oo ka mid ah dhaqaalaha casriga ah, waxaase la kaga baahan yahay in aad ku wajahado maskax furan oo feejignaan leh, iyo faham qoto dheer oo ku saabsan waxa ay dhab ahaantii uu yahaye meme coin kaas.

 

Post a Comment

0 Comments