Ticker

6/recent/ticker-posts

Qiimaha Shidaalka iyo Mustaqbalka Tamarta Maxaa La Filan Karaa?


Shidaalka oo muddo qarniyo badan ahaa laf dhabar ka dhaqaalaha caalamka, ayaa maanta wajahayaa waqtiyo aad u adag, xilli dagaallo, isbedello dhaqaale, iyo horumarka tamarta nadiifta ah ay si weyn u saameeyeen qiimihiisa iyo suuqyadiisa.

Maalgashiga shidaalka oo mar ahaa mid fursad dahabi ah laga raadsado faa’iidooyin badan, ayaa haatan u muuqda mid wajahaya caqabado hor leh oo abid hore loogu arag. Waxaana la filayaa in sannadaha soo socda uu la kulmo isbedello waaweyn, oo qaar u keenaya fursado cusub halka qaar kalena ay keeni doonaan halis iyo jahawareer dhaqaale. Si loo fahmo xaalada maanta warbixintii ugu dambeysay ee la helay, saameynta dagaalada ka socda dunida iyo mustaqbalka maalgashiga shidaalka.

Waxaa muhiim ah in dib loo raaco xiriirka waqtiga dheer ee u dhexeeya shidaalka, siyaasadda, iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Sanadkan 2025 xaaladda shidaalka caalamka kama muuqato xasillooni. Qiimaha batroolka Brent ayaa kor u kacay ilaa heerarkii ugu sarreeyay tan iyo 2022, iyada oo uu gaaray celcelis ahaan $110 doolar halkii foosto. Kororka qiimaha ayaa si toos ah ugu xiran dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, kaas oo wali socda inkastoo uu galay sanadkiisii afraad, iyo xiisadda sii korodhay ee Bariga Dhexe, halkaas oo colaado hor leh ka qarxeen, gaar ahaan gudaha Israa’iil iyo dhulka Falastiin. Sidoo kale go’doominta dhinaca tamarta ee waddamada qaar, iyo cunaqabateynta saaran Ruushka, ayaa horseeday hoos u dhac weyn oo ku yimid sahayda shidaalka caalamka, taasoo si toos ah u saameysay qiimaha suuqyada.


Bisha

Qiimaha Brent (USD/bbl)

Qiimaha WTI (USD/bbl)

Nov 2024

79.28

74.68

Dec 2024

77.56

72.10

Jan 2025

75.74

70.00

Feb 2025

71.30

68.00

Mar 2025

68.00

63.60

Apr 2025

63.02

60.00

 xigasho.: Financial Forecast Center iyo Reuters

Dhaqaalaha caalamiga ah ee sanadkan 2025 wuxuu wajahayaa hoos u dhac aad u ba'an, iyadoo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ay ku qiyaastay korriimada dhaqaale ee dunida oo dhan inay gaari doonto 2.2% oo keliya. Sababaha hoos u dhaca waxaa ka mid ah sicir barar aad u sareeya, dulsaarka oo kor u kacay, iyo dhibaatooyin ka aan la saadaalin karin ee ka imanaya dagaalada iyo isbedelka cimilada. Shidaalka oo ah laf dhabar ka dhaqaale badan oo horumaray iyo kuwa soo koraya ah, wuxuu qeyb weyn ka yahay sababahaasi, iyada oo qiimihiisu uu saameyn toos ah ku leeyahay badeecadaha kale, kharashaadka gaadiidka, iyo korontada. Waxaa la ogsoon yahay in marka shidaalku qaali noqdo, ay sidoo kale qaali noqdaan dhammaan adeegyada iyo alaabada kale ee suuqa.

Marka la eego xaaladda suuqyada shidaalka ee 2025, waxaa jira dhowr arrimood oo muhiim ah oo la taaban karo. Kooxda OPEC+ oo ah urur ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee soo saara shidaalka, ayaa si is daba joog ah u xaddidaysa wax so saarka si loo ilaaliyo qiimaha sare. Saudi Arabia, Ruushka, iyo waddamada kale ee xubnaha ka ah OPEC+ ayaa go’aan ku gaaray in la dhimayo wax so saarka ilaa 2 milyan oo foosto maalintii, tallaabo la sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo dakhliga, balse sidoo kale si weyn u saameysay sicirka caalamka. Dhanka kale Maraykanka oo ah dalka ugu wax so saarka badan dunida, ayaa kordhiyay wax so saarkiisa, hase yeeshee sahayda kaydka ah ee shidaalka Maraykanka ayaa hoos u dhacay markii qiimaha foostadu dhaaftay $100, taasoo dhalisay cabsi dheeraad ah oo ku saabsan helitaanka shidaal ku filan.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa door weyn ka ciyaaray suurto kalnimada inay yaraato sahayda shidaalka Yurub. Intii uu socday xilliga jiilaalka 2024-2025, waddamada Yurub waxay la tacaalayeen sidii ay uga maarmi lahaayeen shidaalka Ruushka, iyagoo raadinaya ilo kale oo tamar ah. Waddamada sida Norway, Aljeeriya, iyo Mareykanka ayaa noqday bedelka ugu weyn ee sahayda, balse qiimaha sareeya iyo gaadiid xumada tamarta ayaa keentay in qiimihii korontada iyo shidaalka gudaha Yurub uu cirka isku shareero. Waxaa xusid mudan in xiisadda Bariga Dhexe, gaar ahaan weeraradii u dambeeyay ee ay kooxda Xisbullah ku qaaday saldhigyada shidaalka ee Israa’iil, ay keentaye cabsida ah in la xiro marinnada muhiimka ah ee shidaalka, sida marin biyoodka Suweys. Haddaba xaaladahan ayaa sababay in suuqyada shidaalka ay noqdaan kuwo aad u kacsan oo aan lahayn xasillooni.

Dhanka dhaqaalaha, sicir bararka sare ee dunida ayaa keenay in Bangiyada Dhexe ee waaweyn, sida Federal Reserve ee Maraykanka iyo ECB ee Yurub, ay kordhiyaan dulsaarka lacaga si loo xakameeyo sicir bararka. Tallaabadan ayaa sababtay hoos u dhac ku yimid maalgelinta ganacsiyada iyo macaamiisha, taasoo si toos ah u saameysay baahida shidaalka, maadaama dhaqdhaqaaqa dhaqaale uu yareeyay baahida safarada iyo wax so saarka warshadaha. Sidaas darteed, marka qiimaha shidaalka kor u kaco iyadoo dhaqaaluhu hoos u dhacay, waxaa sii korodha culayska saaran ganacsatada iyo dadweynaha caalamka.


Bisha

Dulsaarka Fed (Mareykanka)

Dulsaarka ECB (Yurub)

Qiimaha Brent (USD/foosto)

Qiimaha WTI (USD/foosto)

Nov 2024

5.50%

4.50%

$79.28

$74.68

Dec 2024

5.50%

4.50%

$77.56

$72.10

Jan 2025

5.25%

4.25%

$75.74

$70.00

Feb 2025

5.00%

4.00%

$71.30

$68.00

Mar 2025

4.75%

3.75%

$68.00

$63.60

Apr 2025

4.50%

3.50%

$63.02

$60.00

 xigasho.: Financial Forecast Center iyo Reuters

Haddaba marka la fiiriyo mustaqbalka maalgashiga shidaalka, waxaa la saadaalinayaa in sanadaha soo socda ay noqon doonaan kuwo isbedel weyn lagu arko. Caalamka oo si deg deg ah ugu socda jihada tamarta nadiifta ah, sida qoraxda, dabaysha, iyo hydrogen-ka cagaaran, ayaa abuuraya cadaadis xoog leh oo lagu yareynayo isticmaala shidaalka. Wadamada waaweyn ee dhaqaalaha leh, sida China, Midowga Europe, iyo United States, ayaa durba bilaabay qorshayaal ballaaran oo loogu talagalay yareynta isticmaalka shidaalka, iyadoo la hirgelinayo sharciyo cusub oo xadidaya wasakhowga iyo sameenta baabuurta korontada ku shaqeeya. Sidaa darteed suuqyada shidaalka ayaa halis ugu jira in muddo 20 sano gudahood ah uu si weyn hoos ugu dhaco dalabkooda.


Sanadka

Qiimaha Brent (USD/foosto)

Dulsaarka Fed (Mareykanka)

Dulsaarka ECB (Yurub)

2025

$55.00 – $65.00

4.00% – 4.50%

3.00% – 3.50%

2026

$50.00 – $60.00

3.50% – 4.00%

2.50% – 3.00%

2027

$45.00 – $55.00

3.00% – 3.50%

2.00% – 2.50%

xigasho.: Financial Forecast Center iyo Reuters

Si kastaba ha ahaatee lama inkiri karo in shidaalka wali door muhiim ah ku leeyahay dhaqaalaha caalamka. Warshadaha culus, safarada diyaaradaha, maraakiibta xamuulka, iyo qaar badan oo ka mid ah adeegyada casriga ah ayaa wali si weyn ugu tiirsan shidaalka. Inkastoo horumarka tamarta nadiifta ah uu socdo, haddana waa hubaal in u kala guurka buuxa uu qaadan doono waqti dheer, waxaana la filayaa in shidaalku sii ahaan doono qeyb muhiim ah oo ka mid ah isha tamarta ilaa ugu yaraan bartamaha qarniga 21aad.

Dhinaca kale maalgashiga shidaalka mustaqbalka waxaa wajahi doona cadaadis siyaasadadeed oo aad u weyn. Kordhinta canshuuraha shidaalka, xayiraadaha maaliyadeed ee la saaro shirkadaha shidaalka, iyo baaqyada bulshada ee lagu dalbanayo in laga guuro shidaalka oo loo guuro tamarta nadiifta ah ayaa keenaya caqabado hor leh. Shirkadaha waaweyn ee shidaalka sida ExxonMobil, Chevron, BP, iyo Shell, ayaa bilaabay inay dib u habeeyaan istiraatiijiyadooda, iyagoo maalgashanaya mashruucyo tamar nadiif ah si ay isugu diyaariyaan mustaqbal aan shidaal badneyn.

Marka laga hadlayo fursadaha maalgashi ee shidaalka sanadaha soo socda, khubarada qaar ayaa qaba in weli fursado weyn ay jiraan, gaar ahaan muddada gaaban ilaa dhexe. Qiimaha shidaalka oo aan si sahal ah hoos ugu dhici doonin, iyo baahida sii socota ee qaar ka mid ah suuqyada soo koraya sida Hindiya iyo Afrika, ayaa abuuraya jawi maalgeshi oo faa’iido leh. Maalgashadayaasha doonaya inay ka faa’iidaystaan qiimaha shidaalka ee hadda sareeya, iyo kuwa rajeynaya in khilaafaadka siyaasadeed ay sii kordhiyaan qiimaha, waxay heli karaan fursado muhiim ah. Balse halista ah in suuqyada shidaalka ay si lama filaan ah ugu dhacaan hoos u dhac daran, haddii xal laga gaaro dagaalada ama horumarka tamarta beddelka ah uu dar dar ku galo, waxay ka dhigeysaa maalgashiga shidaalka mid aad u khatar badan.

 

Ein Bild, das Text, Screenshot, Diagramm, Reihe enthält.

KI-generierte Inhalte können fehlerhaft sein.

Xigasho.: Tradingview


Maalgashiga shidaalka maanta waxa uu u baahan yahay feejignaan, cilmi baaris qoto dheer, iyo faham buuxa oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo tamareed ee is bed beddeleysa. Ma aha sidii hore oo kale in maalgashigu shidaalka uu ahaa mid xasilloon oo hubanti ah, balse hadda waxa uu noqday go'aan istiraatiiji ah oo u baahan in la qiimeeyo xilliga la galayo, waqtiyada laga baxaayo, iyo saameynta mustaqbalka ee laga yaabo inuu yeesho. In kasta oo mustaqbalka fog ee shidaalka uu mugdi ku jiro, haddana waxa la hubaa in sanadihii dhowaa uu mar kale muujiyay in shidaalku wali yahay saldhig aan si sahlan looga maarmi karin. Dagaalada ka socda Ukraine, Bariga Dhexe, iyo dhaqaale yaraanta caalamiga ah ee socda ayaa caddaynaya in ugu yaraan dhowr iyo toban sano oo soo socota, maalgashiga shidaalku uu weli yeelan doono saameyn weyn oo dhaqaale iyo siyaasadeed, taasoo siinaysa maalgashadayaasha fursado ay kaga faa’iidaystaan isbedelka waayaha dunida.

Post a Comment

0 Comments