Ticker

6/recent/ticker-posts

Sirta Airdrops ka Fursado Dahabi ah



Dunida lacagaha dijitaalka ah ama waxa loo yaqaan crypto waxay keentay fursado dhaqaale oo hor leh oo aan abid hore u jirin. Maanta qof kasta oo haysta moobil iyo internet wuxuu heli karaa fursado uu lacag ku sameen karo adigoon xafiis tagin, adiga oo heshiis ganacsi la gelin bank, ama adigoon xitaa wax lacag ah ku bilaabin. Mid ka mid ah fursadahaasi la yaab ka leh waa waxa loo yaqaan airdrops. Inkasta oo magacoodu fudud yahay airdrops waxay noqdeen aalad culus oo lagu kasbado lacago malaayiin dollar ah, laguna helo summad ama token cusub si bilaash ah.

 

Waa Maxay Airdrop?

 

Erayga "airdrop" asal ahaan waxaa laga keenay milatariga oo micnihiisu yahay wax cirka lagaga tuuro, sida raashin ama sahay. Dunida crypto ka ahi "airdrop" wuxuu la micno yahay marka mashruuc cusub uu bilaash ku siiyo dadweynaha token ama summad si kor loogu qaado faafinta iyo isticmaalka mashruuca.

Tusaale ahaan haddii shirkad cusub ay rabto in dadka ay adeegsadaan app keeda ama blockchain keeda, waxay oran kartaa: "Qof walba oo app keena isticmaala 30 maalmood gudahood wuxuu helayaa 500 token."  Tani waxay noqon kartaa mid qiimo yeelata mustaqbalka haddii mashruuca uu guuleysto, waan sida dhacday mashruucyo badan oo horey ka guulo ka keenay.

 

Maxaa Sababa Airdrops?

 

Waxa jira dhowr sababood oo ay mashruucyadu u bixiyaan airdrops

  1. Xayeysiin iyo Faafin

Mashruucaas cusub wuxuu u baahan yahay in la ogaado. Marka la bixiyo airdrops warbaahinta crypto iyo dadka isticmaala ayaa si iskiis ah ugu faafinaya.

  1. Dhiirrigelin ta Isticmaalah
    Haddii aadan dadka wax siin sidee ayey ku tijaabin doonaan adeeggaaga cusub? Airdrop waa hab dadka loogu dhiirrigeliyo inay adeegsadaan platform ka.
  2. Abaalmarinta Taageerayaashii Hore
    Mashruucyada qaar waxay rabaan inay abaalmariyaan dadkii isticmaalay ee hore, si ay u muujiyaan daacadnimo iyo mahadcelin.
  3. Faafinta Token kaas
    Waa muhiim in tokenad mashruucaas aysan hal koox ama hal qof kaliya gacanta ku hayn. Airdrops waxay keenaan ku faafinta hantida dijitaalka ah.
  4. Tijaabinta Shabakadda ama Testnet ka
    Airdrops qaar waxay ku saleysan yihiin tijaabo (testnet) si lagu eego sida dadku u falgalayaan ka hor inta aan mainnet la furin.

 

Noocyada Airdrop ka

 

Airdrops ka Waxaa jira dhowr noocyo kala duwan

  • Airdrop Caadi ah
    Si fudud ayaad iskaga diiwaangelineysaa, wuxune kuu diraaya token bilaash ah.
  • Airdrop Haynta Token Hore (Holder Airdrop)
    Haddii aad hore u haysatay token gaar ah (sida ETH ama SOL), mashruuc cusub ayaa ku siin kara token cusubi.
  • Airdrop Abaalmarin (Bounty) ah
    Waxaad buuxisaa howlo fudud sida tweet gareyn, Discord ku biirid, iyo retweet waxaa lagugu abaalmariyaa token.
  • Airdrop Retroactive (Dib u eegis)
    Dadkii adeegsaday adeegan si dabiici ah ka hor taariikh la xusay ayaa si lama filaan ah u hela token tani waa mid ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan.

 

Tusaalooyin Dhab ah oo Airdrops Ah (2023–2025)

 

1. Arbitrum (ARB) – March 2023

Mashruuca Arbitrum wuxuu bixiyay airdrop taariikhi ah, isagoo u qeybiyay dadkii adeegsaday shabakadiisa Layer-2. Dad badan ayaa helay in ka badan $10,000 kaddib markii token ka ARB uu ka ganacsaday $1.2 halkii ka mid.

2. Starknet – Febraayo 2024

Starknet waxay bixisaye airdrop cajiib ahaa oo loogu talagalay dadkii isticmaalay testnet kii iyo app kii horay ugu xirnaa mashruuca. Qaar ka mid ah isticmaalayaasha waxay heleen in ka badan $5,000 iyadoo aysan xitaa wax kharash ah galin.

3. LayerZero ($ZRO) – oo La Filayo May/June 2025

LayerZero wali ma bixin airdrop laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu dhici doono dhammaadka bishan (May) ama (June) ee soo socota. Dad badan ayaa si firfircoon u isticmaalaya Apps ku xiran LayerZero si ay u helaan token ka mustaqbalka.

 

Bild ausgeben

Xigasho.: Crypto Airdrop Activities


Isbeddellada Cusub ee Airdrops-ka

 

Sannadihii u dambeeyay airdrops ka waxay la kulmeen isbeddello cusub si loo xakameeyo dadka ka faa'iideysta nidaam kani

  • Nidaam ka Dhibcaha (Points System): Mashruucyada qaar waxay isticmaalaan nidaam dhibco ah halkaas oo isticmaalayaashu ay kasbadaan dhibco iyaga oo sameeya hawlo kala duwan, sida la falgalka baraha bulshada ama isticmaalka dApps. Dhibcahaas ayaa markaa lagu beddelaa tokens marka airdrop ku uu dhaco.
  • Airdrops-ka Testnet ka: Mashruucyadd badan ee ay bixiyan airdrops dadka ka qayb qaata testnet yadooda, waxa u ku dhiirrigelinaysa tijaabinta iyo horumarinta shabakadaha cusub.

 

Khataraha Airdrops-ka

 

Airdrops sidoo kale waxay leeyihiin halis badan

  • Been Abuur iyo Phishing – Dad ayaa samesan kara bogag been ahi si ay u helaan wallet kaaga.
  • Xogtaada Laga Xado – Mararka qaar forms ka la buuxiyo  waa dabin xog ay ku aruurinaayan.
  • Tokeno Qiimo La’aan ah – Qaar baa waxa kaliya ay yihiin “pump and dump” aan qiimo laheyn.

 

Talo muhiim ah  

Wali kaa ha gelin seed phrase ama meel aadan hubin. Airdrop saxad ah kuma weydiisanayo sirtaada gaarka ku ah.

 

Mustaqbalka Airdrops ee fog

 

Marka la eego kororka tartanka Web3, airdrops waxay noqonayaan qalab istaraatijiyadeed. Shirkadaha crypto waxa ay hadda u isticmaalaan airdrops ka si ay ugu dhisaan bulshooyin ka firfircoon oo isticmaala mashruucyada kala duwan taas oo laga yaabo inay la mid noqoto sida Facebook ama Google u adeegsa jireen xayeysiin tii sanadi hii la soo dhaafaye ee hore.

 

Post a Comment

0 Comments