Ticker

6/recent/ticker-posts

Bitcoin Ma Ku Laabanayaa Hoos?



Maalgashiga Bitcoin wuxuu u gudbay marxalad cusub oo ay adduunka oo dhan indhaha ku hayaan. Sanad kan 2025 ka wuxuu calaamad u yahay sanado kale oo la xasuusan doono taariikhda dhaqaalaha digital ka ah. Bitcoin oo muddo dheer loo arkayay hanti halis badan leh, ayaa hadda gaaray heer la oran karo wuu kasoo baxay xuduudihii hore isagoo gaaray $111,970 halkii uu mudo dheer iska joogay heerar hoose.


Ø  Taariikhidd Bitcoin

 

Markii Bitcoin la Aas aasaye sannadkii 2009, wuxuu ahaa hindise yar oo ay dad yar oo jecel tignoolajiyada Decentralization ka ahi xiiseynayeen. Hal qof ama koox oo magaca Satoshi Nakamoto isticmaala ayaa bilaabay inay abuuraan nidaam lacag digital ah oo aan u baahnayn bangi dhexe, dowlad, ama cid kale oo u dhexeesa ah.

Waxay ahayd sanadka 2024 markii wax walba is beddeleen. Kadib markii bangiyada dhexe ee adduunka, gaar ahaan Federal Reserve (Fed), ay bilaabeen inay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhigaan ribadii sare ee ay 2022 iyo 2023 ku xakameeyen sicir bararka, suuqyadii lacagaha crypto waxay heleen furasadd cusub. Waxaana intaas dheer markii la oggolaaday ETFs ka Bitcoin ee suuqa spot, waxaa furasaddo ka furmay dadkii maalgalint iyo hay’ado waaweyn.

 

Ø Oggolaanshaha ETFs Spot Bitcoin


Mid ka mid ah isbeddeladii ugu saameynta badnaa waa oggolaanshaha ETFs ka spot ee Bitcoin. Waxaa si rasmi ah u oggolaaday SEC ka Mareykanka dabayaaqadii 2023, taasoo ka dhigtay in hay’adaha dhaqaale ee waaweyn ay si fudud u iibsadaan Bitcoin iyagoo adeegsanaya suuqyada dhaqaalaha. Tani waxay siisay Bitcoin sharciyad maaliyadeed oo ka weyn tii uu horey u haystay.

 

Ø Kororka Aqoonta Dadweynaha


Dadkii horey ugu xidhnaa dhaqaalaha dhaqameed waxay bilaabeen inay wax badan ka bartaan blockchain ka, decentralization ka, iyo sida Bitcoin u shaqeeyo.

 

Halista Hoos U Dhaca Mala Dhici Doontaa Dib u soo noqosho Adag?

 

Sida uu sarre u kacay Bitcoin sidoo kale waxaa jira cabsi weyn oo la xiriirta in uu mar kale si xooggan hoos ugu dhaco. Mark laga fiiriyo Technical Analysis kala duwan.

 

1.     Technical Analysis (Xaaladda Chart kii ugu dambeeyay ee 2025)

 

Haddii BTC uu marayo $102,800

  • Waxaa muuqata in uu ku jiro price discovery mode meel cusub oo taariikhda ah, oo aysan jirin resistance hore oo ka horreysay.
  • Waxa ugu muhiimsan hadda waa
    • Support levels cusub oo la sameynayo.
    • Potential correction levels oo laga filayo short term.

 

Ein Bild, das Text, Screenshot, Diagramm, Reihe enthält.

KI-generierte Inhalte können fehlerhaft sein.

Xigasho.: Tradingview

 

Xogtaan muhiim ka ah (2025 data oo cusub)

  • RSI (Relative Strength Index): Wuxuu ku dhowaan karaa overbought territory (> 80), taasoo macnaheedu tahay in profit-taking uu dhici karo.
  • MACD: Waxaa laga yaabaa inuu bilaabo divergence hoos u ah, taasoo muujin karta momentum weakening.
  • Volume analysis: Volume ka sareeya wuxuu taageerayaa rally ga haddii volume ka hoos u dhaco iyadoo qiimuhu sareeyo, waa calaamad suuq dhaxaad korodhay oo macquul ah in retracement dhaco.

 

2. Market Sentiment (Psychological Aspect)

  • Hadda waxaa jirta FOMO (Fear of Missing Out) dad badan ayaa markan suuqa ku soo booday markii uu $100k gaarey.
  • Haddii hal “bad news” ay timaado, waxaa dhici kara panic selling taas oo si degdeg ah hoos ugu jiidi karta qiimaha.
  • Waxaa jira dad badan oo mar walba sugaya “buy the dip” taas oo keeni karta rebounds haddii uu hoos u dhaco ilaa $80k ama $70k.

 

Xigasho.: Coinmarket Cap

 

Ma Suurtagalbaa Inuu Hoos U Dhaco Ilaa $70K?

Haddii la eego taariikhda qiimaha Bitcoin, mar kasta oo uu sare u kaco waxaa daba socda hoos u dhac weyn. Xitaa xilliyadii uu suuqu aadka u xooganaa, hoos u dhacyo dhan 30-40% waxay ahaayeen kuwo caadi ah. Haddii aan xisaab ahaan u eegno

  • 10% hoos u dhac wuxuu keenayaa inuu gaaro ~$96K.
  • 20% hoos u dhac wuxuu keenayaa ilaa ~$82K.
  • 30% hoos u dhac wuxuu keenayaa ilaa ~$72K-$75K.

Hoos u dhaca suurtagal ah

Suurtagalnimo (%)

$96k pullback

10% (short term correction)

$88k deep correction

25%

$80k major support

20%

$70k panic sell off extreme case

30%

 








Bitcoin ee 2025 ka waa mid aan horey loo arag oo soo bandhigtay awoodda dhaqaale ee decentralized ka, balse sidoo kale muujisay halista ka dhalan karta suuqa, siyaasadda maaliyadeed, iyo dagaal ka soconaay.

Marka laga hadlayo mustaqbalka, su’aasha ma aha oo kaliya “qiimaha meeqa ayuu noqon doonaa?” balse waxay tahay: “xaggee ayuu Bitcoin ka noqon doonaa nidaamka dhaqaale ee caalamka mustaqbalka dhow iyo kan fogba?

Haddii aad tahay maalgashade, khabiir crypto, ama akhriste xiiseeya dhaqaalaha mustaqbalka mid kaliya ayaa hubaal ah socdaalka Bitcoin wuu socon doonaa, waxaana sii jiri doona qisooyin kale oo cajiib ah oo ay dunidu markale la fajici doonto.

 

 

Post a Comment

0 Comments