Ticker

6/recent/ticker-posts

WAA MAXAY CORE PPI?




Dhaqaalaha casriga ah wuxuu ku tiirsan yahay qiyaaso badan oo lagu qiimeeyo caafimaad qab ka dhaqaale ee waddan. Mid ka mid ah qiyaasahaas ugu muhiimsan waa "Producer Price Index" (PPI). Laakiin marka laga hadlo Core PPI, waxaa looga jeedaa tusaha qiimaha wax soo saarka ee laga reebaya isbeddellada qiimaha shidaalka iyo cuntooyinka kuwaasoo caadiyan si deg deg ah isu bedbeddela.

 

Core PPI Waa Maxay?

 

Core PPI (Core Producer Price Index) waa cabbir mujiyo isbeddelka celceliska qiimaha ee alaabadd iyo adeegyada ay soo saaraato warshadaha oo laga reebayo qeybaha si weyn u dhaqaaqo sida cuntadd iyo shidaal. Qeybahaas la reebo waxay u badan yihiin kuwo aad u nugul marka ay dhacaan musiibooyin dabiiciga ah, dagaallo, ama isbeddel ku yimaada silsiladda saadka (supply chain).

 

Maxaa Looga Reebaa Cuntadd iyo Shidaal ka?

  • Shidaalka: Qiimaha saliidda ayaa ah mid si joogto ah isu bedbeddela, iyadoo ay saameeyaan arrimo badan sida xiisadaha Bariga Dhexe, xaddidaadaha OPEC, iyo sicirka suuqyada caalamiga ah.
  • Cuntooyinka: Saameynta cimilada, dalagyada, abaaraha, iyo xanuunnada ku dhaca  xoolaha ayaa keena isbeddelka deg degga ah ee qiimaha cuntada.

 

Sidaa darteed Core PPI wuxuu bixiyaa sawir nadiif ah oo ka tarjumaya jihada guud ee qiimaha wax soo saarka, isagoo aan lagu qalqal gelin isbeddello muddo gaaban ah.

 

Maxay Core PPI Muhiim U Tahay?

 

A. Falanqaynta Sicir Bararka (Inflation)

Core PPI waxay muhiim u tahay Bankiga Dhexe, gaar ahaan marka ay go’aaminayaan heerka dulsaarka (interest rates). Marka Core PPI ay sare u kacdo, waxaa laga dareemaa in sicir barar hoose uu soo socda yahay waana digniin in wax laga beddelo siyaasadda lacagta.

Tusaale ahaan, Haddii Core PPI uu muujiyo koror ah 3.5% sanadkii, Bankiga Dhexe wuxuu u arkaa in qiimaha wax soo saarka kor u kacayo, taasoo suurtagal ka dhigeysa in qiimaha alaabta lagu iibiyo macaamiisha uu kordho, taasina waxay keeni kartaa sicir barar (inflation).

 

B. Saameynta Suuqyada Maaliyadda

Ganacsatada, maalgashadayaasha, iyo falanqeeyayaasha suuqyada waxay si dhow ula socdaan Core PPI sababtoo ah

  • Waxay tilmaantaa kharashka wax soo saarka ee shirkadaha.
  • Waxay saadaalineysaa heerka faa’iidada shirkadaha mustaqbalka.
  • Waxay muujineysaa culaysyada suurtagalka ah ee saaran silsiladaha sahayda (supply chains).

 

Marka Core PPI ay si lama filaan ah u kacdo, suuqyada saamiyada (stock markets) ayaa si degdeg ah uga falceliya.

 

Sidee Loo Xisaabiyaa Core PPI?

 

Xisaabinta Core PPI waxay ku saleysan tahay uruurinta xogta qiimaha alaabada iyo adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan shirkado badan oo ka shaqeeya warshadaha kala duwan sida

  • Warshadaha qalabka elektarooniga
  • Warshadaha dhismaha
  • Wax soo saarka birta, alwaaxda, iyo agabka dhismaha
  • Adeegyada xamuulka iyo warshadaha adeegyada

 

Marka xogta la uruuriyo, waxaa laga reebaa qiimaha cuntada iyo shidaalka, ka dibna la cabbiraa heerka isbeddelka sanadba sanadka ka dambeeya (YoY – Year-over-Year) ama bilba bil ka dambeysa (MoM – Month-over-Month).

Saameynta Core PPI ee Siyaasadda Lacagta

 

Core PPI waa halbeeg si weyn loo tixgaliyo marka la dejinayo siyaasadaha lacagta

  • Fed (Federal Reserve) wuxuu adeegsado xogtaa oo Core PPI si uu u fahmo haddii sicir barar hoose uu socdo iyo haddii loo baahan yahay in la kordhinaayo ama la iska dhimaayo dulsaarka.
  • Haddii Core PPI uu si joogto ah kor ugu sii socdo, Fed wuxuu kordhin karaa dulsaarka si uu u qabto sicir bararka.

·        Kororka dulsaarka (interest rates) si loo yareeyo isticmaalka lacagta.

·        Adkeynta siyaasadda lacagta si loo xakameeyo sicir bararka.

·        Yaraynta maalgelinta, taasoo hoos u dhigta koboca dhaqaalaha muddada gaaban.

 

Tusaalah wadamadda ee Core PPI

 

·       U.S. Core PPI

Bishii May 2025, Core PPI ee Mareykanka wuxuu kordhay 0.4%, taasoo sare u qaaday walaaca sicir barar. Federal Reserve ayaa si dhow u eegaya xogtan si uu go’aan uga gaaro kordhinta ama dhimista dulsaarka.

Saameyn: Waxaa la filayaa in dulsaar cusub la kordhiyo haddii PPI sii kaco, taasoo saameyn ku yeelan karta suuqyada maaliyadeed, dulsaar ka bangiyada iyo qiimaha doolarka.

 

·       Germany Core PPI

Jarmalka, PPI waxa uu kor u kacay 3.8% sanadkii 2024, gaar ahaane qaybo ka tirsan warshadaha. Core PPI oo gooni loo eegay ayaa muujiyay kacsanaan kharashaadka wax soo saarka, gaar ahaan warshadaha baabuurta iyo tamarta la beddeli karo.

Saameyn: Bundesbank wuxuu bilaabay inuu taageero ECB si loo adkeeyo siyaasadda lacagta, iyadoo dulsaar ka la kordhiyay.

 

·       UK Core PPI

Core PPI ee Boqortooyada Midowday ayaa gaaray 2.1% koror sanadkan 2025, kadib hoos u dhac xagga qiimaha adeegyada ganacsiga. Hase yeeshee, kharashaadka dhismaha iyo saadka ayaa sare u kacay.

Saameyn: Bankiga England wuxuu ka fiirsaday in uu hakiyo kordhinta dulsaarka si uu u sugo xogta PPI ee xigta.

 

·       Canada Core PPI

Core PPI ee Kanada ayuu kor u kacay 0.7% bishii April 2025 kan, taasoo keenya walaac ku saabsan kharasha ka sahayda iyo saadka, gaar ahan kuwa agabka warshadaha ugu waawen iyo batroolka.

Saameyn: Bankiga Kanada wuxuu sii adkeeyay siyaasadda lacageed si loo xakameeyo sicir bararka gudaha.

 

·       Japan Core PPI

Dalka Jabaan, Core PPI wuxuu ahaa mid aad u hooseeya sanado badan. Balse 2025 waxaa jiray koror 1.3%, taasoo ah heer sare marka la eego dhaqaalaha Japan ee si tartiib ah u kobcaya.

Saameyn: Bankiga Japan wuxuu si taxaddar leh uga fiirsanayaa tallaabo kasta, maadaama kororka PPI laga yaabo inuu dhiirrigeliyo yoolkooda sicir barar ee 2%.

 

 

Core PPI ma aha kaliya tiro kale oo ka mid ah tirooyinka dhaqaale, balse waa muhiim si loo fahmo halka dhaqaalaha u socdo. Waxa uu si cad u tilmaamaa xaalada kharashaadka wax soo saarka, saameynta ay ku leedahay macaamiisha, iyo sida suuqyada uga falcelinayaan. Ganacsato kasta, maalgaliy kasto, iyo xitaa qofka rabo inuu fahmo dhaqaalaha, waa inuu si joogto ah ula socdo xogtan Core PPI.

Waqtigaan la joogo, iyadoo caalamku wajahayo sicir barar sare, silsilado sahay xumo oo jahawareersan, iyo dhibaatooyin siyaasadeed, Core PPI wuxuu noqonayaa cabbirka ugu muhiimsan ee saadaalinaya dhaqaalaha mustaqabal ka.

 

Post a Comment

0 Comments