Ticker

6/recent/ticker-posts

Xiisadaha Bariga Dhexe ee Suuqyada



Sannad kan 2025 xiisado cusub oo u dhexeeya Israel iyo Iran ayaa si weyn u dhaqaajiyay xaaladda suuqyada maaliyadeed iyo kuwa tamarta. Qiimaha saliidda oo cirka galay, saamiyada caalamka oo hoos u dhacay.

Markii ay Xiisaddu bilaabatay warbaahinta caalamku waxay diiradda saartay cabsidii ahayd in la xiro marin ka saliid oo muhiim ah, taas oo horseedday in la hakiyo saddex meelood meel maraakiibta saliidda u kala qaaad dunida. Sidoo kale S&P500 iyo Dow Jones iyo Nasdaq ayaa hoos u sii dhacay maalmo kadib dhammaan waxay noqdeen calaamado muujinaya in maalgashadayaasha ay bilaabeen inay ka baqaan khataraha caalamiga ah.

 

Isbeddelada suuqyada caalamiga ah

 

Suuqa Saliida

 

  • Qiime koror ballaaran: Brent iyo WTI labaduba waxay kor u dhaafeen 12–14% maalmo kadib. Brent wuxuu gaaray $82–$85 halka WTI uu dhaafay $78–$80.
  • Sababta: Cabsid xirnaant laga qabo ee marin ka Strait of Hormuz oo ah marin muhiim u ah 20% saliidda caalamga. Qiimuhu wuxuu gaari karaa ilaa $120 haddii uu dagaal ka sii socodo.
  • Saameynta dhaqaale: Kororka saliiddu wuxuu si toos ah u saameeyey qiimaha saadka dhaqaalaha, taas oo keentay in sicir barar cusub soo baxado.


xigasho.: Oil Price.com

 

Dahabka

 

·        Qiimo kor u kaca ah: Dahabku wuxuu ku gaaraya ilaa $2,450–$3,400/oz waxayna noqotay hantida ugu adag.

·        Sababaha: Waa “safe haven” caan ka ah, dadku waxay u maal kaliyaan mark ay xaaladuhu kacsan yihiin. Sidoo kale xogaha inflayshinka Mareykanka waxay ahaayeen kuwa sii siyaadd, taas oo hoos u dhac ku timid boqolkiiba 0.5–0.9% oo kor u qaaday dahabka

 


 xigasho.: Gold Parice.com

Bonds

 

  • Dhaqaalah la filayo: Markii uu dagaal ka bilaamaye waxa timid cabsi xoog ah, dad kune waxay u cararaan bonds ka, taasoo keenta in yields (Bondholders) ay hoos u dhacaan.
  • Waxa dhacay: Si lama filaan ah yields ka 10 sano Mareykanka ayaa kor u kacay ilaa 4.42%, maadaama maalgeliyeyaashu ay ka cabsadaan inflayshinka iyo lahanshaha Fed ee kor u qaadista dulsaarka.

 

Suuqyada saamiyada

 

  • Hoos u dhacay: S&P 500 wuxuu hoos u dhacay 1.1%, Dow Jones ilaa 1.8%, Nasdaq/tech ilaa 1.2%
  • Sababaha:

o   Cabsida ku saabsan kororka sicir bararka ayaa heli karan

o   Khataraha suuqyada shirkadaha tamarta iyo airlines si gaar ah ayay hoos u yimaadeen

xigasho.: Index Level


Lacagaha adduunka

 

  • USD: Isla bilowgii xiisadii, Doollarka ayaa ka mid noqday xasiloonid amniga wuxuu gaaray heerkii ugu sarreeyay ee mid maqnaasho saddex toddobaad.
  • Israeli Shekel: Aad ayuu hoos ugu dhacay, illaa 3.5%, Bangiga Dhexe ee Israel ayaa faragelin sameeyey si uu u xakameeyo hoos u dhaca.
  • Euro iyo Yen waxay wadeen dhaq dhaqaa hoos u dhac ah, sababtoo ah ECB iyo BoJ waxay ahaayeen kuwo aan caddeynin go’aammadooda dulsaarka.

 

Falanqayn ah Maxaa sababay suuqyada?

 

Rick-off vs risk-on

 

Suuqyada maalgelinta waxay u qaybsameen laba nooc

  • Risk-on: Markay xaaladuhu degganaa yihiin, lacagaha “risk carry currencies” sida Euro iyo Aussie dollar ayaa korartaye.
  • Risk-off: Markay dagaal iyo khatar jiraan, inkasta oo ay dhacdo inuu kor u kaco sicir barar, haddana dadka waxay doortaaan dahab, USD iyo bonds.

 

Stagflation

 

Isticmaalka saliida oo kordhay + bonds yada oo la joojiyey = khatar stagflation. Tusaale sicir bararka waxtarka leh + kobac dhaqaale oo yaraaday = xaalad lid ku ah dhaqaalaha saxda ah.

 

Go’aamada Bankiyada dhexe & xawaaraha dulsaarka

 

Fed, ECB, BoJ dhammaantood waxay fiiro gaar ah u yeesheen cabasiyadan cusub. Suuqyada waxaa haystay warar ku saabsan jaris dulsaarka (September iyo December ah). Haddii Fed uu go’aansado inuu dib u dhigo, waxay sii wadi doontaa in sababo uu kor loogu qaadin bonds yada.

 

 

Fursado iyo istiraatiijiyo maalgashi ah

 

“Safe haven” hanti

 

  • Dahabka: Maadaama qiimaheeda uu kor u kacayay, waa doorasho wanaagsan haddii aad filayso wadada khatartu inay sii socon karto. Marka ay xaaladu degganaato, waxaad iibsan kartaa inta qiimuhu hoos uga dhacayo.
  • Bonds: In kasta oo yields ku ay sare u kacaan, haddana bonds ka muddada gaaban 2 ilaa 5 sano ah waa meel fiican oo lagu hubsan karo haddii Fed uu joojinta dulsaarka hoose u dhigo.

 

Suuqyada tamarta

 

  • Energy stocks: Shirkadaha shidaalka sida ExxonMobil, Chevron waxay faa’iido ka arkaan qiimaha saliidda oo sarreeya. Haddii price > $80, maalgashadeyaal badan ayaa soo jiidan doona.
  • Infrastructure: Horumarka saliidda ku salaysan iyo tamarta kale waxay keenaysaa in mashruucyada tamarta la balaariyo countries sida UAE, Qatar, iyo Saudi waa kuwo la filan karo inay maalgelin balaaran sameeyaan.

 

Forex exchange ka

 

  • Short Euro/Japanese Yen: Inta xiisaddu jirto, EUR/USD & USD/JPY waxay noqon karaan maalgashi “short USD” ah.
  • Swiss Franc (CHF): Haddii aad filayso in suuqyadu ay mar kale cabsi qabaan, CHF waxay noqotaa lacag kale oo “safe haven” ah.

 

Alternative asset

 

·       Bitcoin & cryptocurrencies: Inkasta oo volatility sare leedahay, haddana dad badan waxay ku tilmaamaan “digital gold” haddii xiisaddu sii socoto waxay heli karaan maalgelin cusub.

  • Silver & Platinum: Labadan metal waxay noqon karaan hanti alternatif wanaagsan, gaar ahaan silver oo leh tamar iyo tignoolaji.

 

Aragtida khubarada

 

JP Morgan Analyst

 

Gold is not just a commodity anymore it’s a geopolitical hedge. This is what we’re seeing now.”
Dahabku wuxuu noqday badbaado bulsheed, ma aha oo kaliya badeecad.

 

Bloomberg Intelligence

 

Suuqyada bonds ka waxay muujiyeen guuldaro ku saabsan jawaabtooda inflayshinka iyo khatarta, taas oo muujinaysa in maalgeliyeyaashu ay inta badan u furan yihiin bonds cusub oo leh dulsaarka sarreeya.

 

Bank of America

 

BofA waxay tilmaantay in suuqyada tamarta lagu arki doono isbeddel weyn haddii uu qiimaha saliiddu gaaro $100+ gaar ahaan shirkadaha sahanka iyo beeleynta tamarta.

 


Post a Comment

0 Comments