Ticker

6/recent/ticker-posts

Xilligii Dahabiga ee Altcoin Season Miyaa Soo Socda?



Suuqa lacagaha loo yaqaan "crypto" wuxuu leeyahay wajiyo kala duwan, mid walbana wuxuu leeyahay sifooyin gaar ah iyo dhaqdhaqaaqyo. Mid ka mid ah xilliyada lagu sugitaan badan yahay Altcoin Season ama sida dadka qaar u dhahaan Altseason. Waa xilli aan Bitcoin keliya kacsaneyn balse lacagaha kale ee dijitaalka ah (altcoins) sida Ethereum, Solana, Cardano, Avalanche, iyo xitaa meme coins sida PEPE iyo WIF ay si ween ah u kacayaan.

 

 WAA MAXAY ALTCOIN SEASON?

 

Altcoin Season waa marxalad ka mid ah wareegga suuqa crypto halkaasoo lacagaha kale ee aan ahayn Bitcoin (altcoins) ay bilaabaan koror xoogan oo qiimo ah, badanaa ka ballaaran kana dhakhso badan Bitcoin laftiisa. Waa waqtiga ay dadku raadinayaan “next big thing” ama “Bitcoin ka cusub.”

Altseason waxay inta badan timaadaa kadib marka Bitcoin uu gaaro heer sare (ATH) ama uu dego, taasoo keenta in dadka  ay u wareegaan altcoins si ay u helaan faa’iidooyin deg deg ah.

 

Calaamado Lagu Garto Altcoin Season

  • Bitcoin dominance oo hoos u dhacaya
  • Qiimaha ETH, SOL, ADA, oo si deg deg ah u kacaya
  • Meme coins oo laga helo boqolkiiba 1000%+
  • Trading volumes oo sare u kacaya si lama filaan ah

 

Altseason 2017:

 

Markii Bitcoin uu gaaray $20,000 dabayaaqadii 2017, waxaa xigay koror weyn oo ah altcoins. Ethereum wuxuu ka kacay ~$10 sanadkii 2017 ilaa $1400 dhammaadkii sanadkaas. XRP iyo Litecoin waxay sidoo kale gaareen qiimooyin aan horay loo arag.

Altseason 2021:

 

Bitcoin wuxuu gaaray $64K bishii April 2021. Wax yar kadib altcoins sida BNB, DOGE, ADA, iyo SOL waxay sameeyeen waxqabad layaab leh. SOL wuxuu ka kacay ~$2 ilaa $250, halka DOGE uu gaaray $0.70. Pump kaas wuxuu socday mudo, waxaana la dhihi karaa wuxuu ahaa altseason kii ugu xooganaa taariikhda.

Taariikhdu waxay ina baraysaa in altseason uu yimaado mar kasta oo lacagta suuqa ku jirta ay bilaabato inay ka baxsato Bitcoin kuna wareegto altcoins.

 

XILLIGA LAGU JIRO MA BILAABATAY ALTSEASON ee 2025?

 

Marka la eego xaaladda suuqa crypto ee bishan May 2025, dad badan ayaa isweydiinaya su’aashan Altcoin Season ma bilaabatay?

 

Mini Altcoins Season Hint at Bigger ...

Xigasho.: Coin Marketcap

 

 Bitcoin Dominance Hoos U Dhaci doona:

– Bitcoin dominance wuxuu hoos uga dhacaya 54% ilaa 48.9%.
– Kadib taasi waxay muujineysaa in dadku ay bilaaban in ay u wareegaan altcoins ka.

Ethereum iyo Solana Oo Isku Muujiyey

 

– Ethereum wuxuu ka kacay ~$3100 ilaa $4300.
– Solana wuxuu gaaray $260, isagoo ka yimid ~$100.
– Waxaa jira xiiso cusub oo ka yimid dad ka iyo Shirkadah institution ah.

 

Pump.fun, Meme Coins

 

Pump.fun wuxuu noqday madal hal-abuur leh oo laga abuuro meme coins degdeg ah (Solana ecosystem), taasoo dhalisay kumanaan coin cusub.
WIF, POPCAT, BODEN, iyo coins kale oo aan wax qiimo ah lahayn horaantii sanadka ayaa hadda gaadhay market caps gaaraya malaayiin doolar.
PEPE oo horey u ahaa meme coin, ayaa hadda noqday mid kamid ah top 50 coins by market cap.

 

Baraha Bulshada Iyo Google Trends

 

Raadinta "altseason" iyo "best altcoins 2025" waxay kor u kaceen 400% bishan May 2025, taas oo muujinaysa xiisaha sii kordhaya.

 

ALTCOINS SI GAAR AH LOO EEGAYO 2025

 

Solana Ecosystem Coins

 

  • JUP, WIF, BOME, TREMP, iyo POPCAT ayaa ah coins laga abuuray SOL ecosystem, kana faa’iidaysteen xawaaraha iyo fee-ga aad u hooseeyo ee Solana.
  • Waxay muujinayaan inay yihiin halkii shilinka lagu shubi lahaa haddii Altseason si rasmi ah u qarxo.

 

Ethereum Layer 2 Coins

 

  • Arbitrum (ARB), Optimism (OP), iyo Base ecosystem coins ayaa bilaabay kacsanaan bilow ah.
  • Qiimahoodu wali ma gaarin ATH hore, taasoo ka dhigan in ay heli karaan koboc weyn.

 

Meme Coins & Hype Projects

 

  • WIF: Waxaa lagu tiriyaa meme coin ka ugu xiisaha badan 2025
  • PEPE: Waxaa laga yaabaa inuu noqdo DOGE kii cusub
  • Pump.fun: Halkaas waxaa ka soo baxaya coins ay sameeyaan dad caadi ah, balse gaadha malaayiin market cap

 

 

Xilli walba oo la gaaro Altcoin Season, waxaa jirta xiiso gaar ah oo ka dhex buuxa bulshada crypto. Sanadkan 2025, waxaan durba aragnaa calaamado cad cad oo muujinaya in aan ku jirno ama aad ugu dhowahay Altseason kale mid laga yaabo inuu noqdo kii ugu xooganaa abid.

Waxaa laga yaabaa inaad seegto altseason kii 2017. Waxaa laga yaabaa inaad daawatay kii 2021 adigoo gacmaha is haysta. Laakiin maanta, waa fursadii oo dib kuu hor timid.

 

Post a Comment

0 Comments