Ticker

6/recent/ticker-posts

Ma Ripple baa Bedeli Doonta SWIFT?



Lacag dirista caalamiga ah waxay ahayd mid hal meel laga xukuma oo muddo dheer ku xirneyd nidaamka SWIFT (Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunication). Hase yeeshee sannadihii u dambeeyay, waxaa soo ifbaxay teknoolojiyado cusub oo wax ka beddeshaye aragtida ku saabsan sida lacagaha caalamka loogu kala diro si deg deg ah, ammaan ah, qiimo jaban, oo la socon kara xawaaraha casriga ah. Mid ka mid ah kuwa sida xooggan u soo shaacbaxay waa Ripple shirkad la aasaasay sanadkii 2012 oo leh lacag dijitaal ah oo la yiraahdo XRP.

 

Ripple Teknoolajiyada La Doonayo in Ay Beddesho Nidaamka Caalamiga ah

 

Ø  Waa maxay Ripple iyo XRP?

 

Ripple waa shirkad teknoolojiyadeed oo diiradda saarta isku xirka bangiyada hay’adaha maaliyadeed, iyo nidaamyada lacag dirista iyada oo adeegsanaysa blockchain. XRP waa lacagta dijitaalka ah ee ay u adeegsato isku dirsta lacagaha, laakiin waxaa muhiim ah in la kala saaro Ripple (shirkadda) iyo XRP (token ka). Ripple waxay bixisaa adeeg  sida RippleNet iyo On-Demand Liquidity (ODL) oo u oggolaanaya bangiyada in ay si toos ah u diraan lacag iyada oo aan loo baahnayn Bangi dhexe oo u dhaxeeya.

 

Ø  Sida Ripple u Shaqeeyo

 

Sida Ripple uu u shaqeeyo waa bangiyada ama hay’adaha maaliyadeed ay isticmaalaan XRP si ay u wareejiyaan lacag, taas oo u dhacda daqiiqado gudaheed. Tusaale ahaan haddii shirkad ku taal Kenya rabto in ay lacag u dirto Bangiga Philippines ah, waxay RippleNet ku diri kartaa lacagta iyada oo XRP loo adeegsado sidii uu u dhexeya oo waqtiga la kala baddalayo.

 

Ø  Faa’iidooyinka Ripple

 

  • Xawaare sare: Wareejinta lacagaha waxay dhici kartaa daqiiqado gudahood.
  • Qiime jaban: Kharashaadka waa mid aad uga hooseeya kan SWIFT.
  • Daahfurnaan: Blockchain ku wuxuu u oggolaanayaa dadka in ay arkaan dhaq dhaqaaqa lacagtooda.
  • Harmonization: Ripple wuxuu isku xiraa nidaamyo kala duwan.

 

SWIFT Aasaaska Habka Lacag Dirista Caalamiga ah

 

v Taariikhda iyo Awoodda SWIFT

 

Nidaamka SWIFT waxaa la aas aasay sanadkii 1973, iyadoo hadafkiisu ahaa in la xaqiijiyo hab ka isgaarsiineet oo dhexmarat bangiyada caalamka si loo fududeeyo wareejinta lacagaha. Maanta SWIFT waxaa adeegsada in ka badan 11,000 hay’adood oo maaliyadeed oo ku baahsan in ka badan 200 waddan. Waa nidaam aamin ah oo shaqadiisu tahay in uu siiyo bangiyada fursad ay ku kala dirsan karaan fariimo lacageed iyada oo aysan SWIFT lafteedu gacanta ku haynin lacagaha.

 

v Sida SWIFT u Shaqeeyo

 

Marka bangi ku yaalla Germany rabo in uu u diro lacag macaamiil ku sugan Canada, bangigu wuxuu adeegsanayaa SWIFT si uu fariin lacageed ugu diro bangiga Canada. Inta badan waxaa loo baahan yahay bangiyo dhexdhexaad ah (correspondent banks), taas oo keenaysa in lacag diristu qaadato maalmo badan, laguna bixiyo kharashyo badan.

 

v Dhibaatooyinka Ka Jira SWIFT

 

Inkasta oo SWIFT yahay nidaam xasilloon, haddana waxaa lagu dhaliilaa

  • Xawaare hoose: Lacagaha waxay qaataan 3–5 maalmood.
  • Kharash sare: Bangiyada dhexdhexaadka ahi waxay qaataan khidmad.
  • Daahfurnaan la’aan: Macaamiisha ma ogaan karaan si toos ah meesha lacagtoodu marayso.
  • Amniga: In kasta oo ay ammaan tahay, haddana SWIFT wuxuu bartilmaameed u yahay weerarro cyber ah.

 

 

Output image

 

Ma Ripple Ayaa Bedeli Doonta SWIFT Mustaqbaleed?

 

Jawaabta su’aashani si sahlan looma bixin karo, balse waxaa jira dhowr aragtiyood

 

Ø  Haddii Teknoolojiyadu Hore U Socoto (Haa)

 

Ripple waxay leedahay dhammaan astaamaha loo baahan yahay si ay u noqoto beddel dhameystiran oo SWIFT ah xawaare sare, kharash yar, amni sare, iyo daahfurnaan. Haddii bangiyada iyo dowladuhu si buuxda ugu kalsoonaadaan, waxaa suuragal ah in Ripple noqoto tiirka lacag dirista mustaqbalka.

 

Ø  Haddii SWIFT La Casriyeeyo (May)

 

SWIFT waxay wadataa qorshe dib u cusboonaysiin ah oo la yiraahdo SWIFT GPI (Global Payments Innovation), taas oo la doonayo in lagu yareeyo waqtiga iyo kharashaadka. Haddii SWIFT la casriyeeyo si la mid ah Ripple, waxaa adag in Ripple kaligeed meesha ka saarto nidaam taariikhi ah oo bangiyo badan ku tiirsan yihiin.

 

Xogtii ugu danbeesaye waxa ay muujinaysaa in Ripple iyo XRP ay ku jiraan waddo horumarineed oo weyn, iyadoo la filayo in ay mark ay ka soo dhamaadan dacawad.

 

Sharciyada iyo Dacwada SEC

 

Mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee Ripple la tacaaleso ayaa ah dacwada ay ku soo oogtay hay’adda SEC ee Mareykanka, taas oo ku eedeysay Ripple ay aheen amaan (security) ahaan, sido kale Lacago caanshuur la lunsadye ay ku jiraan eedanta lagu haysto. Dacwaddan waxay keentay in shirkado badan ay kala laabteen isticmaalka Ripple ilaa go’aanka maxkamadda la gaaro. Inkasta oo Ripple guulo gaartaye 2023, haddana weli waa mid la isku haysto.

 

In la yiraahdo Ripple waxay bedeli doontaa SWIFT gabi ahaanteed ma aha mid si fudud loo xaqiijin karo, balse waxa hubaal ah in Ripple ay gelisay suuqyada maaliyadeed rajo cusub iyo tartan aan hore loo arag.

Post a Comment

0 Comments