Internet ka maanta oo aan u adeegsano wax walba laga bilaabo baraha bulshada ilaa ganacsiga online ka, ciyaaraha, waxbarashada iyo xitaa lacagta aan isku dirno, waxa u maraya isbeddel weyn oo taariikhi ah. Waxa muuqata saamenta uu ku so gordhiyay Web3.0, oo lagu tilmaamo in uu yahay mustaqbalka internet ka.
Fahamka Heerarka Internet ka (Web1.0, Web2.0 iyo Web3.0)
Ø Web1.0
(1990 – 2004): Internet ka Akhrinta
Web1.0 waxaa lagu tilmaamaa waqtigii ugu horeeyay ee
internet ka la adeegsaday. Bogagga webka badankood waxay ahaayeen kuwa si fudud
loo akhristo. Waxaa la dhihi karaa internet ka xilligaas wuxuu ahaa unidirectional
hal jiho ah, adigoo kiliyaha akhrisat laakiin aan waxb aan kugu so kordhin.
Ø Web2.0
(2004 – 2024): Internet Is dhex kala ka Bulshada ah
Markii
baraha bulshada sida Facebook, YouTube, iyo Twitter ay imadeen,
Web2.0 bay bilaamtaye. Waxa lagu tilmaamaa bidirectional laba
jiho leh dadka oo Kaliyah aan akhrineynin balse sidoo kale wax qora, muuqaal
soo geliya, la falgala. Laakiin arrin muhiim ah ayaa meesha ka baxday dadku
ma lahaan xogtooda, shirkado waaweyn sida Meta, Google, iyo Amazon
ayaa si buuxda u maamula xogaha iyo dhaqaalaha webka.
Ø Web3.0
(2024 ilaa Mustaqbalka): Internet ka Dadka Leeyihiin
Web3.0 waa marxaladda cusub ee internet ka ah. Waxaa lagu
dhisay teknoolojiyadda blockchain, taas oo dadka siineysa awood ay ku
lahaan karaan xogtooda gaar ka ah, lacagtooda, iyo xitaa qaybaha ka mid ah Social
media ay isticmaalaan. Waa
decentralized web ah internet aan lahayn meel dhexe oo awoodda lagu aruuriyo.
Astaamaha Muhiimka ah ee Web3.0
- Decentralization
(Ka madax bannaan xarun dhexe)
Xogta kuma jirto server ka amar qaata hal hay’ad ah, balse waxay ku faaftay qaybo badan oo dunida guud ahaan, iyadoo la adeegsanayo blockchain. - Ownership
(Dadku waxay leeyihiin xogtooda iyo hantidooda digital ka)
Iyadoo la adeegsanaayo NFTs iyo crypto wallets, qof walba wuxuu si gaar ah u leeyahay xogta uu abuuraye ama hantida uu kasbadaye. - Smart
Contracts (Heshiisyo caqli ah)
Web3.0 wuxuu isticmaalaa heshiis blockchain ah oo toos u fuliya wixi lagu heshiiyo ee dadka ka dhexay, amar marka shuruudd ay dhamees yihiin. - Tokens
& Crypto Economy
Dhaqaalaha Web3.0 wuxuu ku shaqeeyaa token sida Ethereum, Solana, iyo kuwa kale. Dadka isticmaalo waa un ay ku qanacsan yihiin token kaa in uu yahaye mid la aamin karo, sido kalene leh horumarino adeegyada kala duwan. - Interoperability
(Xiriir u dhexeeya barnaamijyada kala duwan)
Web3.0 wuxuu fursad u siinayaa barnaamijyo badan oo kala duwan in ay wada shaqeeyaan iyagoo adeegsanaya hal wallet ama hal aqoonsi.
Teknoolojiyadda muhiim ka u ah Web3.0
- Blockchain:
Teknoolojiyadda asal ka u ah Web3.0, oo hubisa in xogtu aysan been
noqon karin, lana daabaco si hufan.
- Cryptocurrencies
(Lacagaha digitalka): Waxaa ka mid ah Bitcoin, Ethereum,
iyo Solana, kuwaas oo suurtagal ka dhigaya in lacag la is dhaafsado
iyadoon bank la dhex marin.
- DAOs
(Decentralized Autonomous Organizations): Ururo aan lahayn meel dhexe
oo laga xukumo, kuwaas oo dadka xubnaha ka ah ay wada maamulaan iyagoo
isticmaalaya code iyo smart contracts.
- IPFS (InterPlanetary File
System):
Nidaam cusub oo kaydinta xogta decentralized ah oo beddelaya server
kii dhexe.
Mustaqbalka Web3.0 Maxa Laga Filan Karaa?
- Web4.0
oo bilaabanaya: Cilmi baarisyo cusub ayaa tilmaamaya in Web4.0
uu noqon doono "Web of Thought" halka Computer ka si
buuxda ula jaanqaadi doono dareenka iyo fikirka aadanaha (Neuro Web).
- Si
buuxda ugu shaqeeya internet aan meel dhexe leheen: Mustaqbalka dhow dadku
waxa ay si buuxda u heli doonaan adeegyada internetka iyada oo aan loo
baahnayn server ama adeeg bixiye dhexe.
- Xorriyadda
xogta iyo maamulkeeda: Dadka ayaa si buuxda u maamuli doona xogtooda
sida loo arko, cidda arkaysa, iyo cidda ay u oggol yihiin.
- Shaqooyin cusub: Mustaqbalka dhow Web3
wuxuu dhalin doonaa shaqooyin aan horay loo aqoon sida "Token
Economist", "DAO Strategist", "Metaverse
Architect", iyo "Decentralized Content Curator".
Saameynta
Dhaqaale Web3.0 ee 2025
1. Dhaqaale Caalami ah oo Kor u Kacay $1.8
Trillion
- Web3.0 ayaa sanad kan 2025
lagu qiyaasay inuu ka qayb qaatay in ka badan $1.8 Trillion GDP ka
caalamka.
- Tani waxay ka dhigan tahay in
Web3.0 uu hadda yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha digital
ka.
2. Meelaha uu Dhaqaalaha Ka Kordhiyay:
- DeFi (Decentralized Finance):
In ka badan $450B ayaa lagu maalgashadye adeegyo maaliyadeed aan
lahayn bangiyo dhexe.
- NFT Markets: In kasta oo ay hoos u dhacday 2023,
haddana 2025 waxay dib u soo nooleeyeen hal abuur kii iyo suuqyada
farshaxan ka digitalka ah.
- Decentralized Gaming
& Metaverse: Ciyaaraha lacagta lagu kasbado (Play-to-Earn)
iyo Metaverse ka ayaa dhaliyay in ka badan $300B.
3. Sida uu u Beddelay Dhaqaalaha:
- Milkiyadda xogta: Dadka ayaa
hadda leh xogtooda taasoo meesha ka saartay suuqyada Facebook iyo Google
ee ku tiirsantii xayeysiinta iyo xogtii.
- Shaqo abuur: Kumannaan
shaqooyin cusub ayaa abuurmay sida blockchain developers, NFT
curators, token economists.
- Maamul siyaasadeed iyo
dhaqaale: Dowladda iyo hay'adaha dhaqaalaha ayaa hadda la qabsaday Web3
iyadoo ay jiraan sharciyo cusub oo la dejinayo.
4. Tusaale Caalami ah:
- Singapore
iyo UAE: Waxaa loo arkaa hoggaamiyeyaasha Web3, iyadoo ganacsiyada
ugu weyn ay u guureen halkaas sabab la xiriirta xeerar aan dhib badan laheen
oo Web3 ah.
Xigasho.: Precedence Research
Caqabadaha
Web3.0 Hor Yaalla
- Xeerar
iyo Shuruuc Culus
Dowlado badan wali ma aysan qeexin sharciga ku saabsan crypto iyo Web3.0. Waxay abuurayaan culeys sharciyeed. - Isticmaalka
Aad U Adag
Adeegsiga Web3.0 wali waa adag oo u baahan aqoon gaar ah, taasoo dadka caadiga ah ka hor istaagta inay si fudud u isticmaalaan. - Xadgudubyo
Dhanka NFTs iyo Xogta
Inkasta oo NFTs lagu tilmaamo lahaansho, hadana wali waxaa jira muran la xiriira xadgudubka copyright iyo sharciyada hantida maskaxeed.
Ma Adigaa Ka Maqan?
Web3.0 ma ahan aragti fog oo waqti dheer ah, waa
xaqiiqo si tartiib ah ugu gudbeesa dhamaan caalm ka oo dhan. Waxaa muhiim ah
inaad maanta barato waxa uu yahay, sida uu u shaqeeyo, iyo sida aad adigu uga
faa’iideysan karto. Ha sugin inta ay shirkadaha waaweyni kugu khasbayaan inaad
isticmaasho baro Web3.0 maanta, si aad mustaqbalka ugu diyaar garowdo.
0 Comments