Ticker

6/recent/ticker-posts

SUUQYADA oo Shaki ka Qaba



Toddobaadka soo socda suuqyada lacagaha qalaad (FX) iyo suuqyada deynta (bonds) waxay diiradda saari doonaan xogta cusub ee Maareynta (PMI) si loo qiimeeyo saameynta cunaqabatayntii uu saaraye Mareykanka sida ay ugu yeelatay dhaqaalaha caalamka. Xogata PMI ee la filayo in la daabaco Khamiista waxay bixin doonaan aragtiyo cusub oo ku saabsan xaaladda wax so saarka iyo adeegyada gudaha ee Mareykanka, iyadoo la eegayo sida ganacsiyadu u maareeyen sicir barar kii iyo hoos u dhacii dalabaad ka.

 

Saameynta Cunaqabataynta ee Suuqyada Lacagaha Qalaad (FX)

 

Suuqyada lacagaha qalaad ayaa sidoo kale waxa ay la kulmeen isbedelo, iyadoo Euro ga (€) uu xoogaystay marka loo eego Doolarka ($) Mareykanka, taasoo ka dhalatay xogta PMI oo aan wanaagsanen ee Yurub iyo cadaadiska cunaqabatayntii uu saaraye saaray Mareykanka.

 

Saameynta Cunaqabataynta ee Dhaqaalaha Caalamka

 

Cunaqabatayntii hore u saaraye Mareykanka oo ay ku jiraan 10% cunaqabatayn guud iyo 110% cunaqabatayn gaar ah oo lagu soo rogay Shiinaha, ayaa la filayaa inay hoos u dhigto GDP ka caalamka ilaa 1%, sida lagu sheegay cilmi baarista ay sameysay J.P. Morgan. Xogaha PMI ee la helay bishii Abriil waxay muujinayaan hoos u dhac weyn oo ku yimid dhoofinta, gaar ahaan Yurub iyo Aasiya, iyadoo ganacsiyadu ay sheegayaan sicir-barar sare iyo hoos u dhac ku yimid kalsoonida ganacsiga.

 

Saameynta Cunaqabataynta ee Mareykanka

 

Gudaha Mareykanka, xogaha PMI waxay muujinayaan in qiimaha wax so saarka warshadaha uu kordhay si xawli ah, taasoo la xiriirta cunaqabatayntii hore ee la soo rogay. Tani waxay keentay in qiimaha wax so saarka uu gaaro heerkii ugu sarreeyay tan iyo Aug 2022, taasoo muujinaysa cadaadis sicir barar oo sii kordhaya.

 

Hadda aan eegno warbixinadii ugu danbeeyay

 

1.       IMF Hoos u Dhac Ku Yimid Kobaca Dhaqaalaha Caalamka

 

Hay'adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha caalamka ee 2025 ilaa 2.8%, iyadoo sabab uga dhigtay cunaqabataynta cusub ee Mareykanka. IMF waxay sheegtay in cunaqabatayntan ay keeneen hoos u dhac ku yimid ganacsiga caalamka, gaar ahaan saameynta ay ku yeesheen dalalka sida China, Mexico, iyo Canada.

 

2. OECD Cunaqabataynta Mareykanka oo Kordhisay Sicir barar hore leh

 

Hay'adda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD) ayaa sheegtay in cunaqabataynta Mareykanka ay keeneen hoos u dhac ku yimid kobaca dhaqaalaha iyo koror ku yimid sicir bararka caalamka. OECD waxay saadaalinesa in sicir bararka Mareykanka uu kordhiyay ay ilaa 2.8% sannad kani, taasoo ka sarreysa saadaashii hore ee 2.1%.

 

 3. S&P Global Ratings Saameynta Cunaqabataynta ee China

 

S&P Global Ratings ayaa hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha China ilaa 3.5% sannad kan, iyadoo sabab uga dhigtay cunaqabatayntii uu Mareykanka horey ugu soo rogaye in ka badan 100%. Waxay sidoo kale saadaalisay in dhoofinta China ay hoos u dhici doonto in ka badan 5% sannad kan.

 

 4. HSBC Saadaasha Kobaca Dhaqaalaha Caalamka oo Hoos u Dhacday

 

HSBC ayaa hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha caalamka ee 2025 ilaa 2.3%, iyadoo sabab uga dhigtay cunaqabatayntii Mareykanka iyo kalsooni la'aanta siyaasadda ee ganacsiga. Waxay sidoo kale saadaalisay in kobaca dhaqaalaha Mareykanka uu hoos u dhici doono ilaa 1% dhammaadka sannadka.

 

Bild ausgeben

Xigasho.: IMF ka

 

5. Saameynta Cunaqabataynta ee Yurub

 

Goldman Sachs iyo JPMorgan ayaa ka digay in cunaqabatayntii Mareykanka ay saameyn xun ku yeelan karaan kobaca dhaqaalaha Yurub, gaar ahaan eurozone ka. Waxay saadaaliyeen in kobaca dhaqaalaha eurozone ka uu hoos u dhici karo ilaa 0.7% sannadkan.

 

Saameynta Cunaqabataynta ee Suuqyada Deynta

 

Suuqyada deynta USA gaar ahaan Treasury yada ee 10 sano, ayaa wajahaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan doorkooda sidii meel xasiloon ah ee loo maalgeliyo, iyadoo la tixgelinayo khataraha sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha. Qiimeen ay sameysay Reuters ayaa muujinaya inka badan kala bar falanqeeyayaasha ay shaki ka qabaan doorka Treasury yada sidii meel xasilooni ah, iyadoo la eegayo deynta dowladdah ee kor u kacday ilaa $36.2 trillion iyo cunaqabataynta cusub ee la soo rogaaayo.

 

Toddobaad kani xogaha PMI ee la sugayo waxay noqon doonaan tilmaam muhiim u ah lagu qiimeeyo saameynta cunaqabatayntii Mareykanka oo ay ku yeelatay dhaqaalaha gudaha iyo kan caalamka. Suuqyada FX iyo bonds waxay si dhow ula socon doonaan xogahan si ay u wajahaan, jihada dhaqaalaha iyo siyaasadaha lacagta ee mustaqbalka.

 

Post a Comment

0 Comments