Bitcoin (BTC), oo ah lacagta dijitaalka ah ee ugu weyn uguna caansan caalamka, waxay mar kale gashay heer cusub oo koror, xiiso, iyo dood ah. Sanadkan 2025 wuxuu noqday mid ay suuqyadu mar kale wajahayaan jahawareer iyo rajo isku dhex jirta, iyadoo qiimaha BTC uu gaaray meelo cusub, marna kor u kaca sameeyay, marna si lama filaan ah hoos ugu dhacaya.
Xaaladda Suuqa Kororka Lama Filaan ah iyo Hoos u Dhaca Kediska ah
Bishii Janaayo 2025, BTC waxay gaartay qiimo dhan $109,114 taasoo ah heerkii ugu sarreeyay abid. Kororkaasi wuxuu yimid kadib markii la ansixiyay dhowr Bitcoin ETF ah Mareykanka laga lee yahye oo oggolaaday, taasoo fursad siisay maalkashato badan. Intaa kadib bilooyin gudahood ayuu BTC hoos ugu dhacay $76,200 sababo la xiriira suuqyada guud oo hoos ugu dhacaye Shaacuurihii uu Tramp ku so rogaye aduun ka oo dhan, iyo warbixinno ka yimid Federal Reserve oo muujinaya in dulsaarka laga yaabo in la kordhiyo.
Xogtan.: coin marketcap
Maxaa Sababay in Bitcoin uu sidan isku badalo?
Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee keentay kororka BTC sanadkan ayaa ah oggolaanshaha ETF yada Bitcoin ee Mareykanka. Tan macnaheedu waxay tahaye in shirkado waaweyn oo caan ah sida BlackRock, Fidelity, iyo Grayscale ay heli karaan marin toos ah oo ay dadku si fudud uga ganacsan karaan BTC iyagoo isticmaalaya akoonnadooda ganacsi.
2. Halving kii Bitcoin ee 2024
Sida caadiga ah Bitcoin waxa uu maraa marxalad la yiraahdo "halving" (yaraynta abaalmarinta mining ka) afartii sanaba mar ah. Halving kii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Abriil 2024, waxaana hoos loo dhigay abaalmarinta lagu siiyo mining qodayaashii ee BTC. Saameynta toos ka ah waxay noqotay in helitaanka BTC cusub uu yaraado, taasoo kicisay qiimaha iyadoo ay jirto baahi sare.
Xogta blockchain ka ayaa muujisay in shirkaddo waaweyn (whales) ay bilaabeen in ay iibsadaan BTC badan bilihii la soo dhaafay. Tusaale ahaan bishii Janaayo kaliya, in ka badan 250,000 BTC ayaa laga wareejiyay suuqyada isla markaana lagu kaydiyay waletyada waaweyn. Tani waxay astaan u tahay in ganacsatada weyn ay aaminsan yihiin in BTC uu weli leeyahay mustaqbal xoog leh.
Xogta iyo Tusaalayaal dhawaan ka Dhacay!
- Tusaale 1: Maalinta 1.Maarso 2025,
BTC wuxuu marayay qiimo dhan $84,600, taasoo ka dhigan in qofka ku
iibsadye BTC qiimo dhan $20,000 sanadka 2023 uu helay in ka
badan 320% faa’iido laba sano gudaheed.
- Tusaale 2: 15-kii Abriil 2025,
kadib hadal ka soo baxay madaxda Fed, qiimaha BTC wuxuu si kedis ah
ugu dhacay $13k in 24 hour gudaheed, tan waxaa keentay cabsi
laga qabo in la kordhiyo dulsaarka, taasoo khatar gelin karta dhaqaalaha
guud.
- Tusaale 3: Shiinaha oo dib u bilaabay xakameenta
ka ganacsiga crypto bishii May 2025 ayaa sababay hoos u dhac
labaad, iyadoo BTC uu gaadhay $76,500, laakiin kadib dib ayuu u soo
kacay isagoo mar kale jabiyay heerkii $90K.
Saadaasha Mustaqbalka Maxaa Laga Filan Karaa BTC 2025 – 2030?
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in BTC uu gaari karo qiimo dhan $150,000 ka hor 2028 haddii xasillooni laga helo suuqyada iyo siyaasadaha Fed. Si kastaba, haddii Fed uu kordhiyo dulsaarka qiimaha BTC ayaa laga yaabaa inuu hakad galo ama hoos u dhaco mar kale.
Xogtan.: Bitcoin Price
Dhowr waddan ayaa bilaabay in ay soo saaraan sharciyo adag oo la xiriira crypto. Mareykanka, Shiinaha, iyo Midowga Yurub ayaa si toos ah u daneynaya in la helo xeerar caalami ah. Haddii xeerarku noqdaan kuwo cadaalad ah waxay dhisi karaan kalsooni cusub, laakiin haddii ay aad u adkaadaan waxay hoos u dhaci karaan fursado badan ee BTC.
Marka laga soo tago qiimaha BTC horumarinta teknolojiyad ku xeeran sida Lightning Network ayaa kordhisay isticmaalka BTC maalinle ah. Sidoo kale suuqyada DeFi ee ku dhisan Bitcoin waxa la filayaa inay kacaan, taasoo ka dhigeysa BTC wax ka badan "store of value".
Marka la eego 2025 ilaa 2030, Bitcoin wuxuu leeyahay fursad uu ku noqon karo hantida cusub ee caalamka balse sidoo kale wuxuu wajihi karaa caqabado cusub. Qof kasta oo daneynaya suuqa BTC waa inuu la yimaadaa xirfad, dulqaad, cilmi iyo qorshe cad ah.
0 Comments