Sanadihii ugu dambeeyay ereyga “DeFi” ayaa si xoog
leh ugu soo baxay warbaahinta teknolojiyadda, suuqyada crypto, iyo guud ahaan
dhaqaalaha caalamiga ah. DeFi ama Decentralized Finance, waa hab cusub oo lagu
maareeyo lacagaha, kaasoo meesha ka saaraya baahida loo qabo bangiyada iyo
hay’adaha dhexe.
Maxay Tahay DeFi?
DeFi waa erey kooban oo ka imaadaye “Decentralized
Finance” taa soo macnaheeda uu yahay nidaam ka dhaqaale oo aan lahayn xarun
dhexe (central authority). Taa beddelkeedd DeFi wuxuu ku saleysan yahay
blockchain si gaar uu ah Ethereum kaasoo u oggolaanaya isticmaalayaasha inay
lacag dhigan karaan, amaahdaan, beddelaan, ama maalgashi sameeyaan iyagoo aan
marin bank, meel lagu sarifo ama hay’ad kale oo dhexe.
Fikradda DeFi waxay ku saabsan tahay in la dhiso adeegyo
maaliyadeed oo si toos ah loogu isticmaali karo internet ka, iyadoo la
adeegsanayo smart contracts barnaamijyo si Automatic ah u fuliya heshiisyo
maaliyadeed.
Taariikhda DeFi Laga Bilaabo Bitcoin ilaa Compound
Inkastoo DeFi si rasmi ah u faafay 2018 kii, asal
ahaan waxaa la oran karaa wuxuu bilaabmay markii Bitcoin la sameeyay 2009.
Bitcoin wuxuu ahaa lacagta ugu horreysay ee aan lahayn hay’ad dhexe. Hase
yeeshee DeFi sida aynu maanta u naqaan wuxuu dhashay markuu Ethereum
suurtageliyay barnaamijyada caqliga leh (smart contracts).
Mashruucyadii ugu horreeyay ee DeFi waxaa ka mid ahaa
- MakerDAO oo oggolaaday in dadka ay
amaah qaataan iyagoo dhigaya dammaanad (collateral)
- Compound oo suurtageliyay in dadku
amaah siiyaan dadka kale si ay dulsaar u helaan
- Uniswap swap decentralized ah oo aan loo
bahaneen (order book) ku shaqeeya
Sidaas
darteed, DeFi wuxuu ka soo bilaabmay wax yar oo tijaabo ah, wuxuuna maanta
noqday dhaq dhaqaaq malaayiin qof saameynaya.
DeFi waa
kacaankii ugu weynaa ee dhanka dhaqaalaha tan iyo markii la sameeyay lacagta.
Waxaa laga yaabaa inuu abuuro nidaam aan ku tiirsaneyn hay’ado dhexe, mid
furfuran oo dadka dhan ka dhexeeya.
Sidee Ayuu DeFi u Shaqeeyaa?
Marka la soo koobo, DeFi wuxuu ku shaqeeyaa saddex tiir oo
muhiim ah
a) Smart
Contracts
Qandaraasyo
caqli leh (smart contracts) ayaa ah hormuud ka DeFi. Kuwani waa
barnaamijyo si toos ah u fuliya howlaha lacagta la xiriira marka shuruudo la
buuxiyo. Tusaale ahaan haddii aad dhigato 1000 USDC, smart contract ku
wuxuu kuu oggolaan karaa inaad amaahato 700 DAI, iyadoo aan qofna dhex dhexaadin.
b) Liquidity
Pools
DeFi wuxuu
ka shaqeeyaa iyadoo dadku bixiyaan lacag ay dadka kale isticmaalaan. Lacagtaas
waxaa la dhigaa meelo la yiraahdo “liquidity pools” taasoo Aaman ah
lacagta dadka kale ka qaatan.
c) Tokens
iyo Protocols
Mashruuc kasta wuxuu leeyahay token u gaar ah (sida AAVE,
COMP, UNI) oo matala saamiga, xuquuqdaada cod bixinta ama
faa’iidooyinka kale. Sidoo
kale protocols kala duwan ayaa qaban qaabiya wax kala duwan lending, borrowing,
trading, insurance, iwm.
Qiimaha
DeFi waxa uu si weyn u kordhay sanadihii hore la so dhaafaye, gaar ahaan 2021,
ka dibna uu hoos u dhacay 2023, laakiin uu mar kale kor u kacay 2024.
Sanadka 2025, qiimaha DeFi wuxuu gaaray $112 billion
Faa’iidooyinka
DeFi
a) Fursado
Maaliyadeed oo Caalami ah
Qof kasta
oo leh internet iyo wallet crypto ah wuxuu ka qeybqaadan karaa DeFi lagama rabo
inaad lahaato xisaab bangi.
b) Xawaare
sare
Hawlaha
dhaqaale ee DeFi waxay dhacaan ilbiriqsiyo gudahood. Ma jiro qof hawsha ka dib
dhiga ama ansixiya. Taas macnaheedd waa xawaare iyo adeeg aan horay loo arag.
c) Dulsaar
Sare
Barnaamijyada
DeFi sida AAVE ama Compound waxay bixiyaan dulsaar ka badan kan
bangiyada caalam ka. Tusaale ahaan waxaad helaysaa 5-10% dulsaar ah
lacagta aad dhigato.
d) La’aanta
Censorship
DeFi ma
xayirto dadka. Mana jiro hay’ad kaa hor istaagi karta inaad ka faa’iideysato
adeegyadaas taas oo muhiim u ah dadka ku nool waddamada cadaadisku ka jiro.
5.
Caqabadaha iyo Halista DeFi
a) Xatooyo
iyo Jabsasho (Hacking)
Inta badan
barnaamijyadd DeFi waxa ay la kulmaan jabshasho sababta khasaaro badan. Haddii
smart contract kaga la jabiyo, lacagtaada waxay halis ugu jirtaa Hackers ka.
b) Volatility
Qiimaha
tokens ka aad hesho wuxuu isbedbeddelaa. Maalinta aad 1000$ dhigato,
waxaa dhici karta in ay noqoto 600$ toddobaad gudihiis.
c) Looma
Fadhiisto Sharciga
DeFi wali
sharci uma dejisna waddamada badankood. Taas waxay abuureysaa halis ah in mar
kaliya laga mamnuuco ama la xaddido.
0 Comments