Markii la bilaabay Dogecoin sanadkii 2013, cid yar baa rumaysanayd in lacag si kaftan ah loo abuuray ay noqon doonto mid malaayiin qof daneynayaan, dad badanna ka dhigeysa maalqabeenno. Laakiin maanta, Dogecoin (DOGE) ma aha kaliya meme coin waa astaan u taagan dhaq-dhaqaaq dhaqaale, xamaasad bulsho, iyo suuq ku saleysan qosol, filasho iyo hal-abuur.
Usbucii la soo dhaafaye, Dogecoin waxa uu sameeyay koror u kac dhan 40%, taaso suuqa crypto dhan si lama filan ah u dhaqaajisaye.
Maxaa Sababay Kororka Lama Filaan Ah?
Waxaa jira dhowr sababood oo isku dhafan oo loo aaneynayo kororka lama filaanka ah ee Dogecoin
1. Elon Musk iyo Astaanta X (Twitter)
Elon Musk
milkiilaha shirkadda X (horey lo oran jiraye Twitter), SpaceX iyo Tesla
waxa ay mar kale tusataye in Dogecoin uu weli yahay "xayawaanki la
jecela." Waa laga shakiyay in shirkadda X ay u diyaarinayso hab lacag
bixin oo DOGE aqbalaya. Inkasta oo uusan si cad u shaacin, hadallo maldahan ama
emojis uu adeegsaday ayaa ahaa kuwa suuqa gilgiley.
2. Filashooyinka ku saabsan DOGE ETF (ama futures)
Inkasta
oo aan weli si rasmi ah loo shaacin, waxaa soo baxaya warar sheegaya in suuqa
maaliyadda ee Maraykanka laga yaabo inuu mar dhow ogolaado DOGE futures
ama xitaa Spot ETF, taas oo noqon lahayd mid soo jiidata maalqabeenno
iyo shirkado waaweyn.
3. Isku tiirsananta Meme Coins
Kororka
Dogecoin wuxuu la socda kacdoon guud oo ay wadaan meme coins kale sida WIF,
PEPE, Floki, iyo xitaa kuwa cusub sida ShibaV2. Marka mid
kaco, kuwa kale waxay la koraan, taasoo dhaliya "herd effect" dhammaan
dadku waxay u wada boodaan isla halkii.
Xogtii Ugu Dambeeyay (July 22,
2025)
·
Qiimaha DOGE
(wixii ka dambeeyay kacitaanka): ~$0.128 waxaa uu ka kacay ~$0.09
·
Mugga
ganacsiga 24-kii saac ee la soo dhaafay: $2.1 bilyan, Market cap ka~$18.3
bilyan
·
Saameynta ka muuqata coins kale: WIF +18%, SHIBA +11%,
PEPE +9% (24-kii saac)
DOGE iyo Aragtida Mustaqbalka 'Crypto'
Waxaa jira aragti sii kordhaysa oo sheegaysa in Dogecoin laga yaabo inuu noqdo crypto-ga ugu sahlan ee dad caadi ah isticmaali karaan. Sababtoo ah
1.
Fudeydka
adeegsiga: Dogecoin
wax dhib ah kuma laha isticmaalka ama dirista uma baahna smart contracts adag.
2.
Bulsho xoog
leh: DOGE Reddit community, X (Twitter),
iyo Telegram waxay leeyihiin malaayiin taageerayaal bulsho u taagan coin-kan si
dhab ah.
3.
La
jaanqaadka Ganacsiga: Elon Musk
wuxuu sheegay dhowr jeer in DOGE laga yaabo in Tesla ama SpaceX mustaqbalka
aqbasho, xitaa haddii hadda aysan si rasmi ah u sameynin.
Tusaale: Haddii shirkad sida Amazon, Uber, ama TikTok ay aqbasho DOGE, waxaa dhici karta in uu noqdo mid si caalami ah loo adeegsado.
Halista Meme Coins Waa Maxay Khatarta?
·
Volatility: Qiimaha DOGE wuxuu si deg deg ah kor iyo hoos ugu dhacaa.
·
Diginiin la’anta: Ma lahan blockchain hormarsan
sida Ethereum ama Solana.
·
Xamaasad ku dhisan qof (Elon): Haddii Musk ka
aamuso ama wax kale xiiseeyo, DOGE wuu dhacaa.
Marka
dadka maalinta ku sameeyan waa in si taxadar leh loo eego. Meme coins waxa ay
noqdeen "a blessing and a curse" fursad weyn iyo halis weyn.
0 Comments