Ticker

6/recent/ticker-posts

Bilyan Doolarka Meta ee AI

Markaad maqasho magaca Meta, waxa ugu horreeya ee maskaxdaada kusoo dhacaya waxa laga yaabaa inuu yahay Facebook. Laakiin maanta Meta waa wax ka weyn baraha bulshada. Waxa ay isu beddeshay shirkad safka hore kaga jirta tartanka tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhinaca Caqliga Macmalka ah (AI).

Tan iyo markii uu Mark Zuckerberg ku dhawaaqay in shirkaddiisa la baxeyso magaca "Meta" sanadkii 2021, waxaa si hoos u dhac ah lagu arkay isbedel kii ballaaran ee ku yimid himiladii shirkadda. Ma ahan oo kaliya in la beddelay magaca, balse waxaa sidoo kale la beddelay jihada: Metaverse, AI, iyo Mustaqbalka Teknoolojiyadda.

Meta iyo Himilada AI-da ah

Waa maxay sababta Meta u dooratay AI?

Meta waxay si buuxda u garatay in mustaqbalka teknoolojiyadda uu yahay AI. In kasta oo ay weli haysato boqortooyadii ay ku lahayd baraha bulshada sida Facebook, Instagram iyo WhatsApp, haddane Meta waxay dareentay in tiknoolajiyaddaasi aysan noqon karin saldhigga keliya ee ay mustaqbalka ku tiirsan tahaye.
AI waxay hadda ka shaqaysaa wax walba laga bilaabo samaynta muuqaalada (image generation), luuqadaha, chatbot-yada sida Meta AI assistant, ilaa la dhexgal ka dadka isticmaala baraha bulshada. Markii ay tartankii la galeen shirkadah kale sida OpenAI (ChatGPT), Google (Gemini) iyo Anthropic (Claude), Meta waxa ay dooneysay in aysan dib uga dhicin.

Qorshaha Maalgashiga Meta iyo Tirada Lacagaha

Shirkadda Meta waxay gashay maalgashi bilyan dollar ah oo ay u hurtay caqaliga macmalka ah (AI), si gaar ah barnaamijyada Meta AI iyo qalabka xisaabinta sida MTIA (Meta Training & Inference Accelerator). Mark Zuckerberg ayaa sheegay in shirkaddu ay sanad walba gelin doonto $35 bilyan oo ay ku bixin doonta horumarinta AI, server-yada cusub, iyo cilmi baarista AI superintelligence.


Mashaariicda Superintelligence Labs iyo Scale AI

Meta waxay la tartameysaa mashaariicdd sida OpenAI (ChatGPT) iyo Google DeepMind, laakiin sido kale waxay xiriir la sameysay shirkado horumarsan sida Scale AI iyo machadyada cilmi barista ee superintelligence. Waxaa la aaminsan yahay in Meta ay dooneyso in ay keento AI aan wax kaliyah qori karin, balse wax fahmi kara, go’aan qaadan kara, oo la qabsan kara dadka.

Isku Dhaca Suuqa iyo Tartan ka (Meta vs Google, OpenAI)

Tartan kan AI-ga caalamka wuxuu noqday mid aad u sareeya:

  • Meta waxay xoogga saartay baraha bulshada iyo AI dhexgal ka dadka.
  • Google waxay dhistay nidaamyo ay ku jiraan Gemini AI iyo Bard, oo la isku daray adeegyada Google.
  • OpenAI ayaa hormuud u ah suuqyada chatbot-ka caqliga ah.

Meta waxa ay u janjeertaa dhinaca dadka AI-da la shaqeyn kara dadka caadiga ah, halka Google iyo OpenAI ay xoogga saaraan cilmi iyo hal-abuur sare.

Maxaa Mustaqbalka Laga Filan Karaa Meta AI?

1.        Is-dhexgal toos ah oo la leh Metaverse

Meta waxay isku xireysaa AI iyo Metaverse deegaanka dhijitaalka ah ee la doonayo in dadka lagu dhex nooleeyo.

Tusaale: waxaad gudaha Metaverse u geli kartaa AI ku hadlaya afkaaga, u muuqda sida adiga, isla markaana kuu qaban kara hawlo shaqo.

2.        Qof kasta wuxuu yeelan doonaa “AI saaxiib”

Waxaa la filayaa in dadka isticmaala Facebook ama Instagram yeelan doonaan chatbot u gaar u ah sida in uu kuu la taliyo shaqsi ahan.

Tusaale: AI kuu qorsheeya safarka, kuu sameeya jadwal Gym ka, ama kuu diyaariya qoraal gaar kuu ah.

Caqabadaha iyo Cabashooyinka

Meta waxay wajahaysaa caqabado waaweyn

  • Xakameynta xogta dadka: Dad badan ayaa ka shaki qabo sida AI u isticmaasho xogtooda.
  • Sharciyeynta AI: Weli ma jiraan sharciyo cad oo qeexaya waxa AI ay sameen karto ama aysan sameeni Karin.
  • Saameynta shaqooyinka: Waxaa laga cabsi qabaa in AI ay shaqooyin badan baabi’iso, gaar ahaan kuwa fudud.

Talooyin AI-da ah

  • Dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay bilaabaan barashada AI iyo tiknoolajiyada la xiriirta, si ay uga mid noqdaan dadka mustaqbalka wax hoggaamin doona.
  • Meta inkastoo ay tahay shirkad weyn, hadana ma ahan mid aan laga shakineni ee waa muhiim in dadku si feejigan ugu dhexgalan, xogtoodana ilaashadaan.

Ma Maalgashiga Meta AI Wuxuu Bedeli Doonaa Adduunka?

Jawaabta ayaa u muuqata HAA.

Meta waxay bilaabeen jid cusub oo AI ah, mid lagu tartamayo, lana doonayo in la gaaro hormar sare. Maalgashiga bilyan doolar ah ee ay sameyeen ma ahan mid kaliya loogu tala galay faa’iido ganacsi, balse sidoo kale waa tartan lagu kasbanaayo mustaqbalka.

Haddii AI ay noqonayso tiirka nolosha bini’aadam ka, Meta waxa ay rabtaa in ayadune noqoto aasaaska tiirkaasi.

Gunaanad kii

Dhinaca dhaqaalaha Meta AI waxa uu keenay maalgashi weyn, horumar farsamo, iyo suuqyo cusub oo dakhli badan leh. Waxaa la filayaa in sannadd soo socda Meta uu ka kasbado AI-da faa’iido ka badan tan uu Facebook ka heli jiray 10 sano ka hor.

Mid ka hoggaaminaya isbeddelka caalamka mid abuuraya saaxiibo caqli badan oo dhijitaal ah, mid horseedaya waxbarasho iyo horumar bulsho, iyo mid lacag cusub soo galiya shirkadda.

Haddii ay si sax ah u maareeyaan dhinacyada xogta, kalsoonida, iyo xeerarka sharciyeed, Meta waxay noqon doontaa tiirka weyn ee AI-da adduunka.

Post a Comment

0 Comments