Exchange Traded Funds (ETFs) ayaa noqday aalad maalgashi oo aad loo jecel yahay, gaar ahaan kuwa raadinaya habab dabacsan oo kharash yar leh oo lagu maalgeliyo suuqa maaliyadeed. ETFs waxay bixiyaan fursad aad u fiican si loo helo kala duwanaanshah iyo waxqabad wanaagsan ee iyada oo aan loo baahnayn in la sameeyo maalgelin toos ah oo ku saabsan saamiyo gaar ah ama bondiyo(daymo).
Maxay tahaye
ETFs?
ETFs waa
nooc ka mid ah sanduuqyo maalgashi oo suuqyada ka ganacsada, kuwaas oo si toos
ah ugu ganacsada suuqa saamiyada sida saamiyada caadiga ah. Waxay si fudud u
bixiyaan maalgelinta suuqa iyadoo aan loo baahnayn in qofka maalgashadaha ahi
si toos ah u iibsado saamiyada shirkadaha kala duwan. Halkii ETF waxay
ka koobnaan kartaa saamiyo ka socda shirkado badan, bondiyo, ama xitaa
agabyo kale sida dahabka ama saliida, taasoo u oggolaanaysa
maalgashadayaasha inay helaan kala duwanaansho balaaran iyaga oo aan ka
maarmayn maalgashiga shakhsi ahaaneed ee hantida.
Maalgeliyayaasha
waxay iibsadaan units ka mid ah ETF iyaga oo isticmaala suuqyada
saamiyada ee caadiga ah, sida NYSE ama NASDAQ. Tani waxay ka
dhigeysaa ETFs kuwo si fudud loo heli karo oo la socon kara maalgeliyayaasha
yar yar iyo kuwa waa weynba. Si kastaba ha ahaatee waxa jira farqi u dhexeeya ETFs
iyo saamiyada caadiga ah. Saamiyada caadiga ah waa qayb ka mid ah shirkad
gaar ah, halka ETFs ay matalaan agabyo badan, taasoo ka dhigaysa mid aad ugu
habboon kuwa doonaya inay maalgelin ka sameeyaan suuqyo ama qaybo badan oo
dhaqaalaha ah.
Faa'iidooyinka
ETFs
Marka laga
hadlayo faa'iidooyinka ETFs, waxaa jira dhowr sababood oo ay u yihiin mid ka
mid ah aaladaha maalgashiga ugu caansan
1. Kala-duwanaansho:
ETFs waxay bixiyaan faa’iidooyinka kala duwanaansho ee maalgashi ah, maadaama
ay suurtogal ka dhigayaan in maalgeliyayaashu ay maalgelin ku sameeyaan suuqyo
kala duwan iyadoo aysan iibsaneen saamiyo ama bondiyo gaar gaari ah. Tani waxay yareyn kartaa khatarta ku
timaada isbedelada suuqyada ee ku saabsan hantida gaarka ah.
2. Fududeynta
iyo Awoodda Helitaanka: ETFs waxay si fudud ugu ganacsan karaan suuqyada
saamiyada iyadoo aan loo baahnayn aqoon khaas ah. Maalgashadayaasha waxay ku
iibsan karaan ETFs sida ay u iibsan lahaayeen saamiyo kale. Waxaa kale
oo jira ETF-yada la iibsan karo marka loo eego maalgashiyada kale sida mutual
funds.
3. Raaciidda
Qiimaha Suuqa: ETFs waxay ku socdaan qiimaha suuqa waqtiga dhabta ah. Tani
waxay ka dhigan tahay in maalgeliyayaashu ay si toos ah ula socdaan wax qabadka
hantidooda, iyo in la iibsan karo ama la iibiyo ETFs waqtiga suuqa uu
furanyahay.
4. Khidmadd
hoose: Khidmadda maamulka ee ETFs ayaa guud ahaan hooseysa marka loo eego mutual
funds. Sababta ugu weyn ee tani waa in ETFs ay yihiin kuwo si toos ah u
ganacsada, halka mutual funds ay ka shaqeeyaan hanti maareyn dhaqameed,
taasoo keenta khidmado dheeraad ah.
5. Fududeynta
Mashaariiced: ETFs waxay siinayaan maalgashtadd fursado oo ay ku maalgelin
karan qaybaha suuqayadd kala duwan, sida suuqa saamiyad, bondiyo, lacagaha
qalaad, iyo agab ka dabiiciga ah. Tani waxay maalgashadayashu ka
caawisa inay sida ugu fudud u helaan fursado badan oo maalgelineed.
xigasho.: ETF Performance
Noocyada
Kala Duwan ee ETFs
Waxaa jira
noocyo badan oo ETFs ah iyadoo mid kasta uu ku habboon yahay baahiyaha kala
duwan ee maalgashadayaasha. Waxaan ka soo qaadan karnaa dhowr nooc oo muhiim ah
1. Equity
ETFs: Kuwani waxay ka kooban yihiin saamiyo ka socda shirkado kala duwan,
taas oo u oggolaanaysa maalgashadayaasha inay maalgelin ku sameeyaan suuqyada
saamiyada ee kala duwan. Waxay ka koobnaan karaan kooxo ama warshado
gaar ah sida tiknoolajiyada ama daryeelka caafimaadka.
2. Bond
ETFs: Kuwani waxay ka kooban yihiin bondiyo oo laga yaabo inay ka yimaadeen
dawladaha ama shirkadaha. Waxay uga fiican yihiin kuwa doonaya
inay helaan dakhli joogto ah ama iska yareynayaan khataraha iyadoo la
maalgelinayo bondiyo dhowr ah.
3. Commodity
ETFs: ETFs-kani waxay maalgashadayaasha u oggolaanayaan inay maalgelin ku
sameeyaan alaabah sida dahabka, saliida, ama kuwa kale oo la xiriira
alaabta.
4. Sector
and Industry ETFs: ETFs kani waxa u diiradda saraya qaybo kaar ah oo suuq
ah, sida tamarta, tiknoolajiyada, ama isgaarsiinta. Kuwani
waxay yihiin fursado fiican oo loogu talagalay maalgashadayaasha doonaya inay
ku maalgeliyan qaybaha gaarka ah ee dhaqaalaha.
5. International ETFs: Kuwani waxay u oggolaanayaan maalgashadayaasha inay maalgelin ku sameeyaan suuqyada caalamiga ah, sida kuwa ka socda Yurub, Aasiya, ama suuqyada soo koraya.
Magaca ETF |
Waxa uu matalo |
Symbol |
Suuqa |
SPDR S&P 500 ETF |
500-ka
shirkadood ee waaweyn Mareykanka |
SPY |
NYSE |
Invesco QQQ |
NASDAQ 100 |
QQQ |
NASDAQ |
iShares MSCI Emerging Markets |
Suuqyada soo koraya |
EEM |
NYSE |
VanEck Gold Miners ETF |
Shirkadaha soo saara dahabka |
GDX |
NYSE |
Purpose Bitcoin ETF |
Bitcoin |
BTCC |
Canada |
Sidee ETFs U Shaqeeyaan?
ETFs waxay
shaqeeyaan sida saamiyada kale iyada oo la iibsanayo iyo la iska iibinayo units
ka mid ah ETF, waan suuqyada saamiyada lagu ganacsado. Tani waxay ka
dhigan tahay in qiimaha ETF uu si joogto ah isbeddelo, waxaana lagu heli karaa
maalgeliyayaasha mar walba inta uu suuqu furan yahay. ETFs waxay leeyihiin
lammaane iibsiga iyo iibinta, iyagoo ka shaqeynaya suuqyada si la mid ah
saamiyada.
Maalgeliyayaasha waxay ku iibsadaan units ka mid ah ETF iyaga oo si toos ah uga helaya suuqyada saamiyada, waxaa ay heli doonaan qayb ka mid ah saamiyada ama bondiyada ay ETF ku matalayaan. Haddii ETF uu ka kooban yahay 50 shirkadood, maalgeliyaash waxa uu heli doonaa qeyb ka mid ah shirkadahan iyadoo loo marayo iibsashada ETF-ga.
Dhibaatooyinka iyo Khatarta Ku Jira ETFs
In kasta oo
ay jiraan faa’iidooyin badan oo ay ETFs bixiyaan haddana waxaa sidoo kale jira
khataro. Qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka imaan kara maalgelinta ETFs waxaa ka
mid ah
1. Isbeddellada Suuqa: ETFs waxay ku xiran tahaye isbeddellada suuqyada oo dhammaan hantida ku jira ETF-ga way saameyn kartaa. Tani waxay ka dhigan tahay in suuqyada kala duwan, sida suuqyada saamiyada ama commodities, ay saameyn ku yeelan karaan waxqabadka ETF-ga.
2. Khatarta
Suuqa Caalamiga ah: Maalgashiga ETFs ee caalamiga ahi waxa uu keeni karaa
halista haddii suuqyada kale ee caalam ku ay hoos u dhacaan ama ay wax iska
beddelaan sida siyaasadaha dhaqaale ee caalamiga ah.
3. Awoodda
Falanqaynta: Maalgashadayaasha qaar waxay ku adgaad inay si sax ah u
falanqeeyaan ETFs gaar ahn, maadaama ay ku jiraan noocyo badan oo maalgashiyo kala
duwan ah iyo hantida kaga jirta suuqyadd kala duwan.
Saameynta
Mustaqbalka ee ETFs
Maalgashiga
ETFs waxay sii wadi doontaa inuu noqdo mid aad u caansan, gaar ahaan iyadoo
suuqyada maaliyadeed ay sii kordhayaan oo ay fududaanayaan fursadaha
maalgelinta. Si kastaba ha ahaatee iyadoo suuqu uu sii kordhayo, waxaa jiri
doona caqabado cusub oo la xiriira ETF-yada. Waxaa laga yaabaa in la arko
noocyo cusub oo ETFs ah oo la horumariyo, kuwaas oo ka faa'iidaysanaya
isbeddellada tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha.
xigasho:- WSJ/ Markets
Si loo hubiyo guusha maalgashiga ETF, dadka rabaa waa inay si taxaddar leh u baaran ama u fahmaan suuqyada ay maalgashanayaan iyo nooca ETF ee ay doortaan. Qorsheynta wanaagsan iyo maareynta khataraha ayaa noqon doonta furaha si loo hubiyo inay ka faa'iidaystaan ETFs.
ETF-yada
ayaa noqday aalad muhiim ah oo ku habboon maalgashadayaasha doonaya inay si
fudud ugu qeyb qaataan suuqyada maaliyadeed. Iyaga oo bixiya fursad maalgelin
oo baaxad leh, ETFs waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu haboon ee loo
isticmaalo si loo helo kala duwanaanta, khidmado hoose, iyo dareen
sare oo ganacsi. Maalgashiga ETFs waxay noqon doontaa qeyb muhiim ah oo ka
mid ah suuqyada maaliyadeed ee mustaqbalka iyadoo loo marayo horumarka
teknolojiyadda iyo isbeddellada dhaqaalaha.
0 Comments